7th September 2024  admin  Category :

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Safiirka dawladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire İbrahim Mete YAĞLI, iyo agaasimaha Isbitaalka Associate Prof Dr. Mevlüt KARATAŞ, ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha shaqo ee Isbitaalka digfeer, iyagoo isla soo hadal qaaday sidii Dowladda Turkiga Soomaaliya uga caawin laheyd xoojinta iyo kor u qaadista adeegga Caafimaadka, gaar ahaan inta uu socdo howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Intaasi kadib Wasiirka iyo Safiirka ayaa booqasho ugu tagey dhaawacyada ku jira Isbitaalka ee xaaladdooda Caafimaad lala tacaalayo, waxayna mid mid u dul istaageen dhamaan dhaawacyada ku jira Isbitaalka.

Wasiirka ayaa Safiirka kala hadlay in Dowladooda ka taageerto daawada maadaama Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dagaal lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta oo in mudo ah dhibaato ku hayey Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhawan goobaha ay gacanta ku hayeen.

Safiirka ayaa ballan qaadey in dowladdooda ay ka qeyb qaadan doonto Ololaha lagu baabi’inayo cadowga, gaar ahaan arrimaha Caafimaadka iyo sidii Ciidamada Dowladda u heli lahaayeen baxnaano fiican, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadka kala shaqeyn doonaan gurmadka Caafimaadka markasta iyo inta uu socdo dagaalka Cadowga.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa ka go’an horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*