20th September 2024  admin  Category :

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Madaxa Xukuumadda Morocco Saâd-Eddine El Othmani

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Madaxa Xukuumadda Morocco Dr. Saâd-Eddine El Othmani shalay gelinkii dambe oo Talaado ahayd ( 26 Maarso) Magaalada Rabat, iyadoo ka qeyb ah booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo Boqortooyada Morocco oo soo idlaanaysa maanta.

 

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen dadaalka wadajirka ah ee labada dal Soomaaliya iyo Morocco ay uga dhabaynayaan xoojinta xiriirka laba geesoodka, ballaarinta iskaashiga iyo isku duwidda arrimo kala duwan, oo ka guul keenaya waxyaabo wanaag iyo nacfi u ah labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*