19th March 2024  admin  Category :

Degaankee ayaa xaq u leh inay ka yimaadaan wasiirada soo socda ee gobolada Sanaag iyo Hayland?

Golaha wasiirada Puntland ee dhowaan la soo magcaabi doono, waa in wasiirka ka mid noqonayaa  ee ka soo jeeda gobolka Sanaag uu  ka yimaadaan Degmada Ceerigaabo, Damale Xagare iyo Carmale. Gaar ahaan beesha Bah ogayslabe oo aan Xildhibaano ku lahayn golaha baarlamaanka Puntland iyo Federaalka. Wasiir iyo wasiir ku xigeena  aan ku lahayn dawladdii hore ee Madaxweyne Gaas,

Beeshan ayaa ka mid beelaha ugu awooda badan gobolka Sanaag, kana mid ah kuwooda  ugu degaanka weyn . Haddii wasiir loo magcaabo beeshan waxay   dhabar jab weyn  ku tahay maamulka SNM. Beesan haddii wasiir loo magcaabo si fudud ayuu maamulka Puntland ku gaarayaa Bartamaha  degmada Ceerigaabo,

Gobolka Hayland. si shakiga ku jira looga saaro  iyo in beel gaar ahi  ay  gooni u leedahay, waa in wasiirka ka imanayaa gobolkaasi  uu noqdaa mid ka yimaada  degmooyinka kale ee gobolka Hayland hoos yimaada ee ka ahayn  degmada Dhahar.

Ugu danbayntii  Suldaanka beesa Warsangeli Suldaan Siciid, waxaan kula talin lahayn haddii maamulka cusub ee Puntland ay talo ku soo waydiiyaan ku saabsan wasiirada la soo magcaabayo waa inaad kula  taliso  wasiirka gobolka Sanaag  Halka uu ka imanyo inay ahaato beesha Bah Ogayslabe . Suldaan Siciid taladaadu ha noqoto siyaasi ka soo jeeda degaanada hoos yimaada degmada Ceerigaabo. Bulshada Wasiirka laga soo dhex dooranayo waxaan kula talin lahayn inay wasiirka imanaya  la shaqeeyaan si maamula Puntland u soo gaaro bartamaha magaalada Ceerigaabo

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*