26th March 2024  admin  Category :

Wasiir kuxigeen ka tirsan Xukuumadda RW Kheyre oo is casilay

Waxaa goordhaw shaaciyay is casilaadiisa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdikariim Khaliif Dhalac.

Wasiirka ayaa is casilaadiisa ku sacbabeeyay fara galinta xukuumadda uu ka tirsanaa ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku hayso dhismaha maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in uu ku qanci waayay sida ay xukuumaddu wax u wado ee faragalinta qaawan ay ugu heydo dhamaan maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, si gaar ah maamulka uu federaalka ku matalo ee Galmudug.

Qoraal dheer oo uu kusoo daabacay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri, “Anigoo ah Xildhiban Cabdikarim khalif Cabdi (Dhalac) maanta oo taariikhdu tahay 20.09.20019 waxaan Go’aansaday inaan iska Casilo Xilkii aan ka hayey Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ahaa Wasiir- kuxigenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*