26th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qayb galay shirka looga hadlayay taakulaynta iyo cafinta deymaha Soomaaliya ee ku soo dhamaaday Washington DC ayaa rajo ka muujiyay in natiijo wanaagsan uu ka soo baxay shirka.

Wasiir Beyle oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda Bankiga Adduunka, Hay’adda IMF iyo masuuliyiintii kale ee shirka ka soo qayb gashay ayaa sheegay inay ku qanceen habka ay Soomaaliya u maareeyso dhaqaalaha kooban ee soo gala Dalka.

“Shirka aan la qaadannay Bankiga Adduunka iyo IMF waxay aad ugu qanceen qaabka maamulka Maaliyadda, waxayna noo ballan qaadeen in ay naga caawin doonaan arrimaha deynta”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.
C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa intaa raaciyay inay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay inay ku shaqayso hufnaan iyo aragti fog, wuxuuna ballan qaaday inay Wasaaradda Maaliyaddu laba laabi doonto dedaalladeeda ku aaddan kobcinta dhaqaalaha Dalka si Beesha Caalamku u aaminto.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka mahad celinayso shirkan oo ku qotoma bilawgii dayn cafinta Soomaaliya ee ay la gashay IMF taas oo ku dhiiro gelinaysa wadamada deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha dhaqaalaha ee Aduunka in ay garab istaagaan Soomaaliya si loo xaqiijiyo yididiilada dalka uu ugu jiro hanashada hawlaha qaran.
Waxaana ka go an in hananka maliyada horu mariyo wasiir Bayle si Somaliya daymaha nadiif ugu noqoto iyo musuq maasuqa hareeyay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*