12th February 2025  admin  Category :

Mushkilad guud oo koronto la’aan ah oo ka dhacday dalka Sri Lanka, ayaa lagu eedeeyay daanyeer galay xarun koronto oo ku taalla koonfurta magaalada Colombo ee dalkaas.

Korontada ayaa si tartiib ah dib loogu soo celinayaa dalka jasiiradda ah oo ay ku nool yihiin dad tiradooda guudi gaarayso 22 milyan oo qof, iyadoo mudnaanta la siinayo xarumaha caafimaadka iyo warshadaha sifeeya biyaha.

“Daanyeer ayaa la taabtay qalabka shabakadda ah ee korontada ka qaada warshadda, taas oo sababtay in uu dheeliyo nidaamkii korontada,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta dalkaas, Kumara Jayakody isagoo la hadlayay warbaahinta.

Korontada ayaa go’day saacaddu markii ay ahayd 11:00 kii subaxnimo wakhtiga dalkaas (05:30 GMT) maalinkii Axadda, taasoo ku qasabtay dad badan inay ku tiirsanaadaan matoorada yaryar ee dhaliya korontada. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay qaadan karto dhowr saacadood si korontada dib loogu soo celiyo si dhamaystiran.

Dad badan ayaa dhaleeceeyay maamulka iyaga oo qosol ka dhigtay dhacdada.

“Daanyeer khaa’in ah ayaa gabi ahaanba gooyay nidaamkii koronto ee Sri Lanka ka dib markii uu sababay in uu shaqayn waayo shabakadii koronto gudbinta ee xarun koronto oo ku taalla Colombo,” ayuu qoraaga X Mario Nawfal daabacay isaga oo arrinkaan ka hadlayay.

“Hal daanyeer = qarribaad buuxda. Waqtigii dib looga fikiri lahaa dib u qaabaynta kaabayaasha miyaa la gaaray?” ayuu ku daray hadalkiisa.

Qof kale oo isna isticmaala barta X, oo magaciisu yahay Sreeni R, ayaa waxa uu soo qoray, “Sri Lanka waxay horay u tijaabisay arimaha daanyeerada,”.

“Kaliya Sri Lanka ayaa kooxo daanyeer ah oo gudaha saldhig koronto ka dhex dagaalamay sababi karaan koronto la’aan guud oo jasiiradda ka dhacda,” ayay tiri Jamila Husain, oo ah tifaftiraha guud ee wargeyska Daily Mirror eek u yaalla gudaha dalkaas.

Warbixin ay shaaciyeen Isniintii, ayaa sheegtay in injineeradu ay muddo sanado ah ku war-gelinayeen dowladda in ay casriyeeyaan shabakadda korontadooda, hadii sidaas la samayn waayana ay la kulmi doonaan go’itaan joogto ah oo ku dhaca qulqulka korontada ee dalka.

“Shabakadda korontada qaranka ayaa ku jirta xaalad daciif ah, taasoo keeni karta in go’itaanada joogtada ah ee ku dhaca korontada jasiiradda ay gaaraan heer mar walba la iska filan karo, haddii xitaa mid ka mid ah xargaha ay waxyeello soo gaarto,” ayaa lagu sheegay hadalka injineer sare oo aan magaciisa la shaacin balse ka hadlay arrinkaan.

Sri Lanka ayaa la kulantay go’itaan koronto oo baahsan intii lagu guda jiray qalalaasahii dhaqaale ee 2022 kii dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*