19th September 2024  admin  Category :

Wasiirad Puntland ah oo booqasho ku tagtay magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag

Wasiir ku-xigeenka Duulista Hawada iyo Garoomada Sucaad Saalax Xaaji Nuur ayaa booqosho ku tagtay magaalada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag.

Boqashada waxa ku weheliyey Wasiir ku-xigeenka Tamatarta, Macdanta iyo Biyaha Maxamed Bashiir C/laahi iyo Nabadoon Mursal Maxamuud Cabdi.

Boqashada Wasiiradda ayaa qayb ka ah Ololaha Dowalada Puntland kaga hortageyso Faragelinta Maamulka Somaliland ku hayso Gobolka Sanaag laguna sugayo amaanka.

Wasiir Sucaad ayaa u kuur gashay xaaladda deeganada ay booqatay, waxayna la kulantay Nabadoono, guurti iyo Odayaal ka tirsan degmada Yubbe iyo unugyo ka mid ah ciidanka difaaca deeganka ee is abaabulay.

Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*