27th December 2024 admin Category :
Wasiirka beesha Cismaan Maxamuud ee madaxweyne Dani ka soo jeedo Muxuu kaga duwan yahay Wasiirada kale?
Dagaal oogihii hore ee gobolka Bari Axmed Taaaraan, oo hadda loo magacaabay Wasiirka Shidaalka iyo macdanta Puntland, oo ka soo jeeda beesha Cismaan ee madaxweynaha Puntland yahay wuxuu kaga duwan yahay wasiirada kale ee maamulka Puntland ee dhowaan shaqada bilaabaya, hal arin oo ah:
Ma jiro Xafiis uu Wasiir kale kala wareegi doono,isaga uun ayaa hadda ka dib Xafiis Furan Doona. Isaga ayaa magacaaban doona Agaasime ilaa Waardiyaha wasaaradaas. Aduunka horay ugama dhicin,
Madaxweyne Deni, oo wasiirkan shaqaalihisa la imanaya Jufo ahaan ugu magcaabay wasaradda cusub , ayaa beesha Maxamuud Garaad ee Dhulbaante ee sadexda Xildhibaan gobolka Sanaag ku leh ku yidhi ” Madaxweyne ku xigenkii ayaa haystaan sidaas awgeeda Wasiir kama heli kartaan golaha wasiirada ee dawladayda
Halka beesha Maxamuud Salebaan ee uu madaxweynuhhu ka soo jeedo uu beeshiisa u magcaabay Shan wasiir.
Ugu danbayntii Dawladda Deni oo Wasiir aan wasaarad lahayn u magcawday Axmed Taar , si in badan oo Jufada ka mid ah loo shaqaalaysiiyo, Labo Beelood oo Puntland u simana uu mid ku leeyahay madaxweyne ku xigeen ayaad haystaan oo wasiir kama heli kartaan Dawladayda , halka Beeshii madaxweynaa haysayna ay iyagu shan wasiir qaateen.
Waxa arimahan oo dan ka jawaabi kara oo qura waa Xildhibaanada Puntland oo horay u doortay madaxweyne Deni oo iyagu diida anxisinta golaha wasiirada cusub ee Puntland. 11 Xildhibaan ee gobolka Sanaag labo wasiir ayaa loo magcaabay Cabdiraxmaan Faroole uu isagu helay labo Wasiir uu wasiirka maaliyadda ka mid yahay.
Allsanaag,com