2nd October 2024  admin  Category :

Wasiir Aadan Ducaale: “Qaabkii xilka la iiga qaaday 22 daqiiqo gudahood”

Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa buug cusub oo maanta la soo bandhigay kaasoo uu ka qoray dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka soo maray siyaasadda, waxa uu uga warramay qaabkii looga qaaday xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka.

Kulan ay 22-kii June 2020 Nairobi ku yeesheen xildhibaannadii xisbigii talada hayay ee Jubilee oo uu shir guddoominayay Uhuru Kenyatta, ayaa lagu go’aamiyay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka laga qaado Aadan Ducaale oo kamid ahaa saaxiibbada ugu dhaw ee William Ruto, madaxweynaha hadda xilka haya ee Kenya.

Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisii xilligaas William Ruto ayaa waxaa u dhexeeyay khilaaf salka ku hayay heshiiskii uu March 2018 madaxweynaha la gaaray Raila Odinga oo diiddanaa natiijada doorashadii dhacday 2017.

“Uhuru Kenyatta ayaa xildhibaannada Jubilee la hadlayay muddo 22 daqiiqo ah, kadibna waxaa la iga qaaday xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo aan ahaa mas’uulkii ugu horreeyay ee loo doorto kaasoo aan ku shaqeynayay ku dhawaad 8 sano,” ayuu buuggiisa For the Record ku sheegay wasiir Aadan Ducaale.

Waxa uu si weyn u dhaliilay Madaxweynihii hore oo ku tilmaamay nin doonayay in uu ku diro saaxiibkii ay muddo dheer soo wada shaqeynayeen haatanna ah Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

“Muddo 45 daqiiqo ayuu Uhuru Kenyatta ila hadlayay oo uu rabay in uu igu qanciyo in aan ka haro William Ruto oo uu ku tilmaamay nin xun. Uhuru waxa uu xilalka xisbiga talada haya ee Aqalka Sare ka qaaday dhammaan siyaasiyiintii taabacsanaa Ruto,” ayuu Ducaale ku sheegay buugga.

Waxa uu intaa raaciyay in uu ka diiday dalabkaas Madaxweynihii hore, isagoo ku dooday in Ruto uu soo gacan qabtay isla markaana uu sabab u ahaa inuu noqdo hogaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka.

“Waxaan u sheegay in aan diyaar u ahay in aan xilka ka tago halkii aan khiyaani lahaa saaxiibkay Ruto. Waxaa muhiim ah in aad garab istaagto saaxiibkaa marka uu u baahan yahay taageeradaada,” ayuu Ducaale u sheegay telefishinka Citizen oo uu warramay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*