
25th February 2025 admin Category :
Wasaaradda Maaliyadda oo furtay shirka dib u habeynta hanaanka Maaliyadda
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Wasaaradda iyo hay’adda lacagta adduunka ee (IMF), ay bilaabeen shirka dib u eegista hannaanka Maaliyadda Soomaaliya.
“Maanta waxaan si wada jir u bilownay annaga iyo IMF dib-ugu-eegista hanaanka Maaliyadda Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Shirkaan oo socon doona muddo labo toddobaad ah, ayaa waxaa looga doodi doona dib u habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya.
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa hogaaminaysa shirkaan oo sidoo kale ay ka soo qeyb galayaan hey’adaha Dowladda qaarkood sida Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

