23rd October 2024  admin  Category :

Xeer madaxweyne ayaa lagu  dhisay wasaaradda Tamarta,Macdanta iyo Biyaha dowladda Puntland.

Wasaaradan Xeer madaxweyne lagu dhisay maanta , ayaa horay  wasaaradan aan jirin loogu magcaabay Wasiir. Wasiirka loo magcaabay wasaaradan ayaa ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud ee madaxweyne ka soo jeedo.

Wasaaradan cusub, ee wasiirka looga dhigay Dagaal ooge Axmed Taaraan ayaa loo sharciyeey inuu soo qoro shaqaalaha wasaaradan laga bilaabo Waardiye ilaa Agaasimo.

Axmed Taaraan, intaan loo magcaabin Wasaaradan waa ninkii qori jiray abaabuli jiray maleeshiyadkii magaca Puntland ku weerartay, oo shacabka aan hubaysnayn ku xasuuqday  Majayahan, iyaga oo macdan raadinaya  waqtigii madaxweynaha ka ahaa Puntland  Cade Muuse Allah ha u naxariistee, Markii dagaalka Majayahan lagu jebiyey Axmed Taaraan  waxa loo magcaabay xeer ilaaliyaha gobolka Bari. Sida laga sheegay waa meesha uu  ku aarsaday. Dhaqan ahaan waa ka xun yahay maleeshiyadka SNM.

 

https://allsanaag.com/wasiir-aan-xafiis-la-wareegi-doonin/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*