19th September 2024  admin  Category :

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Ankara kulanka kula qaatay Wasiirka Waxbarashada ee Turkiga, Mohmut Ozer.

May be an image of 2 people and people standing

Wasiirku waxa uu dawladda Turkiga uga mahad celiyay kaalmada hagar la’aanta ah ee ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed. Waxa uuna la wadaagay qorshaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ee ku wajahan baahinta iyo tayaynta waxbarashada si loo soo saaro jiil wax-tar leh.

Sidoo kale waxa uu wasiirku kulan la qaatay madaxa Golaha Tacliinta Sare ee Turkiga, Prof Erol Ozvar waxa uu wasiirku uga mahad celiyay kaaalmada Jamacadeed ee Turkiga u fidiyeen ardayda Soomaaliyeed.

Afar milyan oo caruur Soomaaliyeed ah ayaan maanta haysan fursad waxbarashadii aasaasiga ahayd, waana baahi weyn oo in deg deg wax looga qabta u baahan. Waxaa kulamada wasiirka ku wehliyay Danjire Jaamac Caydiid, safiirkeenna Turkiga iyo Sharaf Xasan, u qaybsanaha arrimaha waxbarashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*