24th October 2024  admin  Category :

Wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland ayaa maanta Warshad Oxygen gaysay Magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan.

Wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaraadda Mudane Siciid Jamac Qorsheel ayna ku wehelinayeen wasiiru-dawlaha Ahmed Shiikh Farax, lataliyaha Madaxweynaha Caafimadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey, Agaasimaha Qorshaynta Mudane Idiris Abdulaahi Mohamed, Drs. Tufax Maxamed Ducale iyo Xildhibano ka tirsan Barlamanka Puntland ayaa safar shaqo ku tagay Magaalada Dhahar ayaa maamulka Gobolka, Degmada iyo Isku-Duwaha Cafimadka ku wareejiyay Warshadan Oxygen oo loogu talagalay in logu adeego Bulshada, Gobolka Hayland iyo deegaanada ku dhaw-dhaw.

Maamulka Degmadda odayaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmadda Dhahar ayaa soo dhaweeyey keenida Warshada oo baahi badan loo qabay waxayna uga mahadceliyeen madaxda Wasaraadda Caafimaadka inay markii ugu horaysay Warshad Oxygen laga hirgaliyo, tan oo daba socotay ka jawaabida baahiyaha ay bulshada deegaanka la wadaageen Safar shaqo oo uu Wasiirka Wasaarada Cafimadka iyo Golasha xukumadu ku tageen 14 September 2024.

Mudane Siciid Jamac Qorsheel Wasiir wasaaradda caafimaadka Puntland oo si rasmi ah warshada u wareejiyay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqdo ama aan maanta iskugu nimaano wareejinta warshada Oxygenta oo maanta aan soo gaarsiinay degmadda Dhahar ee gobolka Haylaan, waxayna qayb ka noqonaysaa adeega bulshada caafimaadkooda kor loogu qaadayo looguna soo dhawaynayo, warshadan ayaa waxay haqabtiri doontaa baahida Oxygen ee Gobolka Haylaan iyo degeenada ku dhaw dhaw taasoo meesha ka saari doonta baahida loo qabo.”

“Warshadan ayaa qayb ka noqonaysa warshado horay looga hirgaliyay deegaanada Puntland kuwaasoo loogu talagalay inay yareeyaan baahida Oxygen ee ka jirta Gobolada Puntland qorshaha Wasaraadda ayaana ah in dhamaan Gobolada la dhigo Warshado Oxygen si Gobol kasta isku filnaansho ugaaro, waxaan uga mahadcelinayaa cid kasta oo naga caawisay helitaanka warshadahan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*