28th November 2024 admin Category :
WARAYSI/ AQOONYAHAN FAYSAL CABDI ROOBLE,SHIRKII IGAD EE JABUUTI (38 AAD) IYO XIISADA SOMALIYA IYO KIINIYA
Waraysigan uu Aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble uu siiyey Golaha1960 iyo Websaydhada ay wadashaqeeyaan wuxuu aad ugaga hadlay Shirkii Igad ee 38aad ee ka dhacay Dalka Jabuuti kaasoo lagaga hadlayey Xiisada u dhexaysa Dalka Somaliya iyo Dalka Kiiniya taasoo gaadhey iney somaliya xiriirka u goyso dalka Kiiniya,Sidoo kale wuxuu Aqoonyahanku Si faah fahsan uga hadlay arimaha xaasaasiga ah ee ka taagan dalalka ku midoobey ururka Igad Sida Itoobiya iyo Suudaan, Somaliya iyo Kiiniya ,Itoobiya Dhexdeeda iyo arimo badan oo kale.
Sidoo kale Aqoonyahan Faysal Rooble wuxuu xusay Inaan Somaliya kala soo noqon shirkaasi natiijadii ay ka filaayeen iney shirkaasi ka soo baxaan oo salka ku haya dacwooyinkii ay somaliya ka gudbisay dalka Kiiniya.