16th September 2024  admin  Category :

Waa Markii ugu horaysay ee Villa Soomaaliya ay ka so baxday  wareegto ama warsaxaafadeed miisaaman, waqti la siiyey oo  ay ka muuqato wada tashi ay saamayn weyn  ku leeyihiin Khubaro Soomaaliyeed oo aqoon fiican u leh  Cilmiga Xiriirka caalamiga , warsaxaafadeedkan ayaa   lagu difaacayao sharafta,  karaamada iyo Qaranka Soomaaliyeed , lagana ilaaliyey daldaloolo ka hor imanaya kiiska Yaala Holland. Warsaxaafadeedkan ayaa caalamku u arkayaan in Soomaaliya ay sharci wax ku doonayso, Kenyana ay tahay kuwa doonaya daandaansi.

Waa uga hambalyeeynaynaa Madaxda Soomaaliyeed gaar ahaan Wasiirka wasaarada arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo ah qunyar socod .

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo 2019, waxay caddeyneysaa:

1- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab.

3- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay.

4- Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda.

5- Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda.

6- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya.

7- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*