7th September 2024  admin  Category :

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DOWLADDA PUNTLAND OO U HAMBALYEEYEY GOLEYAASHA DEEGAANKA 3-DA DEGMO EE LA DOORTAY.

“Waxaan u Hambalyeynayaa Xildhibaanada kusoo baxay Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, shacabka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo ay arrintani u tahay yididilo ku dayasho mudan.

Sidaas waxaa kusoo gabagaboobay doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Puntland oo muddo 25 sano ah ahayd himilo la tiigsanayo.

Waxaa dhaqso loogu gudbayaa wejiga labaad ee hannaanka dimoqraadiyeynta oo ah in dib-u-eegis iyo sixitaan lagu sameeyo wixii gaabis ahaa ee ka jiray dhinaca sharciyada iyo wixii waayo aragnimo ah ee laga dhaxlay geeddi-socodkii Dimoqraadiyeynta Puntland.

Arrintani waxay muujinaysaa inay Dimoqraadiyad iyo doorasho suurtogal ka tahay Soomaaliya haddii ay jirto aragti iyo hoggaan ka dhabeeya himilada Ummadda.

Waxaan u mahad celinaynaa Beesha Caalamka, ciidamada Amaanka Puntland, GWaruddiga Doorashooyinka madaxa bannaan ee PEC, Xisbiyada Siyaasadda iyo cidkasta oo hannaankaan qayb ka ahayd, waxaan rajaynaynaa inay ii socoto taageerada iyo garab istaagga golayaasha la doortay si ay gutaan waajibaadkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*