16th September 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada Puntland State House ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Save the Children oo ay hoggaaminayso Agaasimaha Hay’adaasi u qaabilsan Arrimaha Bani’aadantinimada ee adduunka Marwo Gabriella Waaijman, ayna qeyb ka yihiin Agaasimaha arrimaha bani’aadantinimada ee Bariga iyo Koonfurta Africa Mudane Thomas Lay iyo Ku-Xigeenka Madaxa Save the Children ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiladiif.

Kulanka oo looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa xaaladda gurmadka Abaaraha iyo Mashaariicda horumarin ee Hay’adda Save the Children ka wado Puntland, ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamal Arab Yusuf, Wasiir Ku-xigeenka Cadaaladda Mudane Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Mudane Mohamed Abdirashid Ali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*