28th September 2024  admin  Category :

Waa kuwee Waddamada Yurub ee maanta Soomaaliya deynta ka cafiyey?

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha ee loo soo gaabiyo IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Waxa uu ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Soomaaliya oo ay weli ka jirto abaar taariikhi ah, taasoo malaayiin Soomaali ah ku riixday cunto yari daran, Alvaro Lario, oo ah Madaxa Sanduuqa Horumarinta Beeraha Adduunka ee loo soo gaabiyo (IFAD) ayaa maanta ku dhawaaqay intii lagu guda jiray kalfadhiga 46-aad ee golaha maamulka IFAD in ay si weyn u xoojin doonaan taageerada ay hay’addani siiso Soomaaliya oo ay dib u bilaabi doonto maalgashigeeda tooska ah ka dib markii deynta lagu leeyahay oo sababtay in muddo soddon sano ah la hakiyo maalgashiyada.

Soomaaliya waxaa hadda laga cafiyey deymihii ay ku lahayd IFAD iyada oo taageero ka helaysa dalalka xubnaha ka ah.

“Maanta, xaaladda malaayiin Soomaali ah waa mid murugo leh,” ayuu yiri Lario. “Shan xilli roobaad oo xiriir ah ayaa la waayey, kuwaas oo dhibaato u geystay noloshooda iyo awooddooda ay nolosha kula tacaali lahaayeen, taasoo ay usii dheertahay colaado, cimilo xumo, Ayaxa oo dillaacay iyo qiimaha raashinka oo kacay, shidaalka iyo bacrimiyaha oo aad u sarreeya, waa inaan gargaar bani’aadamnimo u fidino si loo badbaadiyo nolosha hadda. , laakiin waxaa si la mid ah muhiim u ah inaan maanta aasaaska dhigno si loo xaqiijiyo mustaqbal ifaya.” Ayuu yiri

Haddaba intii uu socday shirka jaraa’id, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay ballan-qaadka IFAD ee soo cusboonaadey: “Dib-u-howlgelintaan waxay fursad u tahay waa cusub oo Soomaaliya u soo ifbaxaya si wax looga qabto waxyaabo badan oo mudnaan u leh haqab-beelka cuntada dalka,” ayuu yiri.

“Dib-u-howlgelinta IFAD waa bilowga geeddi-socodkii looga gudbi lahaa bini’aadantinimada una guuri lahayd horumarka, waxayna wax badan ka taraysaa – albaabada ayay furaysaa, ururrada kalena way ku dayan doonaan.”

Maxay kala Yihiin Lacagahani?

Lario waxa uu ku dhawaaqay in IFAD ay si degdeg ah u samaynayso $11.6 milyan oo doolar oo la heli karo iyo abaabulidda agabka mashruuca horumarinta beeraha oo $50 milyan oo doolar ah, bixinta abuurka, waraabka, beeralayda iyo adeegyada caafimaadka xoolaha, daymo yar yar oo la bixiyo, tababar xaga cimilada iyo farsamada la qabsiga si loo horumariyo dalagga iyo wax soo saarka xoolaha.

“Waa inaan caawinnaa beeralayda yar yar iyo xoolo-dhaqatada inay la qabsadaan isbeddelka cimilada oo aan dhisno adkeysigooda si ay ula qabsadaan xaaladaha mustaqbalka,” ayuu yiri Lario. “Waxay u baahan yihiin dhaqaale iyo tababar.” Ayuu kusii daray.

Waddamada Deymahoodii ka cafiyey Soomaaliya

Wafdiga Soomaaliya oo shirka IFAD ka dhex muuqda

Maalgelinta tooska ah ee IFAD ee dib loo cusbooneysiiyey ayaa hadda suurta gashay iyada oo looga mahad celinayo waddamada Belgium-ka, Jarmalka, Talyaaniga iyo Sweden oo Soomaaliya ku taageeray in laga cafiyo deymaha ay ku leedahay IFAD.

Dayntaas ayaa Soomaaliya ka hor istaagtay in ay ka faa’iidaysato deymaha iyo deeqaha IFAD ee aadka u fudud tan iyo sannadkii 1991-kii, markii ay dagaaladii sokeeye ka bilowdeen Soomaaliya.

“Sida Jarmalku uu Soomaaliya uga sifaynayo deymaha maqan ee IFAD waxa ay u sahlaysaa in Sanduuqa uu dib u bilaabo doorkiisii muhiimka ahaa ee ku aaddanaa taageeridda horumarinta reer miyiga iyo beeralayda ee u adkeysiga cimilada Soomaaliya iyo si loo xoojiyo hay’adaha iyo helista waqtiyada dhibaatooyinka si looga faa’iidaysto maalgelin dheeraad ah oo loogu talagalay beera u adkeysta cimilada,” ayuu yiri Jochen Flasbarth, Xoghayaha Gobolka, Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Federaalka Jarmalka.

“Dhibaatada cimiladu waxay cawaaqib xun ku leedahay beeraha iyo wax soo saarka cuntada ee dalalka ugu saboolsan adduunka, waa mid degdeg ah in aan xoojino adkeysiga dadka reer miyiga ah ee dalalkan,” ayuu yiri Ergay Pierre-Emanuel De Bauw, Guddoomiyaha IFAD ee Belgium-ka. “Belgium-ku waa sharaf u ah in uu ka mid noqdo dalalkii ugu horreeyay ee gacan ka geystay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha ay ku leedahay leeyahay IFAD, taasoo u sahlaysa dalka inuu ka faa’iidaysto maalgelinta IFAD si loogu caawiyo beeralayda yaryar inay la qabsadaan isbeddelka cimilada iyo wax ka qabashada xaalufka dhulka.”

Haddaba deymaha IFAD ee waddamadani nka cafiyeen Soomaaliya ayaa sidan u kala dhigan:

Belgium-ka wuxuu cafiyey € 2.5 milyan oo Yuuro, Jarmalka € 6 milyan oo Yuuro, Talyaaniga €474,000 Yuuro iyo Sweden oo cafisay qarash dhan € 944,000 oo Yuuro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*