13th January 2025  admin  Category :

Waa kuma taliyihii uu awoowaha u ahaa Sayid Maxamed Cabdullae Xasan ee geeriyooday?

Allaha u naxariistee waxaa dhowaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Janaraal Muxuyadiin Sheekh Cabdixakiin Sayid Maxamed oo in badan kasoo shaqeeyay dalka gaar ahaan dhinaca ciidanka.

Janaraal Muxuyadiin ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Nairobi, walow dadka qaar ee u dhow ay sheegeen in xanuunkiisu uusan markii hore ahayn mid daran.

Waxa la sheegay in toddobaadkan gudihiisa uu kusoo booday xanuun ka haleelay xagga wadnaha ah, oo uu maalmo kooban gudohood u geeriyooday.

Hadabba maxaan ka ognahay taariikh nololeedkiisii?

Allaha u naxariistee Janaraalka taariikhdiisa oo kooban waxaa BBC-da uga sheekeeyay Janaraal Ahmed Jire Qalinle oo saaxiib dhow la’ahaa janaraalka isaga oo maalmihii u dambeeyayna ay Nairobi wada joogeen.

Janaraal Muxuyadiin waa wiil uu awoowe u yahay Allaha u naxariistee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo taariikh dheer ku dhex leh gayiga Soomaalida isla markaana lagu tilmaamo in uu kamid yahay halyeeyadii taariikheed ee Soomaaliya soo maray.

“Janaraal Muxuyadiin waxa uu ahaa nin in badan kasoo shaqeeyay dalka soona qabtay xilal kala duwan marka ay noqoto dhinnaca ciidanka, waxana uu soo maray darajooyin dhowr ah tan iyo dowladdii Maxamed Siyaad Barre”, ayuu yiri Janaraal Axmed Jirre.

Janaraal Muxuyaddiin waxa uu ku dhashay magaalada Beledweyne halkaas oo u ku qaatay waxbarashiisa qaybihii ugu horeeyay.

Waxa uu ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kusoo biiray sanadkii 1976-dii, isaga oo xilligii dowladdii kacaanka gaaray ilaa darajada Gaashaanle sare.

Sanadihii 198-kii ilaa 1990-kii waxa uu kamid ahaa ciidamada loo yaqaanno booliisiya-millitaariya, amaba loo garan ogyahay ciidamada koofiyo casta ee qaabilsan ilaalada madaxweynaha isaga oo xilligaas kamid ahaa ciidamada suga ammaanka madaxtooyada iyo madaxweynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre.

    Janaraal
    Qoraalka sawirka,Janaraal Axmed Jirre Qalinle

    “Burburkii dalka kadib Janaraal Muxuyaddiin waxa uu ku noolaa dalka Canada, halkaas oo u uku muqnaa in muddo ah, wixii ka dambeeyayna dalka ayuu ka hayay shaqooyin ciidan”, ayuu sii raaciyay Jaranaraal Jirre.

    Sanadkii 2012-kii ayuu dalka dib ugusoo laabtay Janaraal Muxuyaddiin isaga oo xilligaas noqday taliyaha saldhigga 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Kismaayo.

    Dabeecadihiisa ayaa lagu sifeeyay in uu ahaa nin nabadda iyo isku keenka bulshada jecel.

    “waxa uu ahaa nin muxtarim ah o oaf gaaban isla markaana nabad doona ah, sidoo kale waxa uu ahaa nin dhaqanka iyo diintaba ku ad-adag, waxaana uu ahaa nin had iyo jeeraalaba ka faallooda arrimaha dalka iyo xasiloonida amniga”, ayuu yiri Janaraal Axmed Jirre Qalinle.

    Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin hore ayaa ka tacsiyeeyay geedida ku timid Janaraal Muxuyaddiin Sheekh Cabdikariin Sayid maxamed Cabdulle, waxaana kamdid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame isaga oo sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay kulmeen.

    “Allaha u naxariisto General Muxuyadiin Sheekh C/xakiin Sayid Maxamad. Inkastoo ay geeridu xaq tahay, haddana tan ku soo booddada ah way sii xanuun badan tahay. Maalmo ka hor ayaan isaga iyo odayaal kale ka sheekaysanay xaaladda dalka. Ka sokow in uu ahaa sarkaal xirfad leh, Muxuyadiin wuxuu ahaa nin qunyar socod ah, dabci macaan oo dad xiriiris ah. Allaha u danbi dhaafo”, ayuu qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

    Dhinaca kale waxaa geeridiisa sidoo kale ka tacsiyeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, mas’uuliyiin kale, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo duco hawada loo mariyay.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    *