7th May 2025  admin  Category :

Waa kuma Soomaaliga keliya ee ka mid noqday baarlamaanka Canada, maxaa se u sahlay guushiisa muddada dheer?

Doorashada Canada oo Isniintii dhacday ayaa waxaa markale hoggaanka qabtay xisbiska Libraalka oo muddo hoggaaminyay dalkaas.

Doorashadaas Canada waxaa ka tartmay saddex nin oo Soomaali ah oo kala ah Axmed Xuseen, Sayid Axmed iyo Cumar Abuubakar oo ka tartamay gobollo kala duwan.

Sayid Axmed iyo Cumar Abuubakar waxay ka tartameen labo xafaadood oo ka tirsan magaalada Edmonton ee gobolka Alberta halka Axmed Xuseen uu ka tartamay xaafad ka tirsan magaalada Toronto ee gobolka Ontário. Axmed Xuseen wuu soo baxay labada wiil ee kalena waa ay ku guul-darreysteen tartankoodii.

Maxaa Axmed Xuseen u sahlay guusha uu mar kale ka gaaray doorashada Canada?

“Guusha Axmed Xuseen waxaa u sababeyneyaa, marka ugu horreysa waa nina ad loo yaqaan saddex marna wasiir ka soo noqday dowlada dhexe hadda ugu dambeyna markii ay doorashadan dhacday xilkii wasiirka hayay, kursagaan baarlamaanka ee uu hadda ku guuleystayna in badan soo hayay oo xaafaddan nin aad looga yaqaan buu ahaa, waxaana xaafadiisa ku badano o guushiisa ka mid ahaa dadka soo galootiga ah siiba Soomaalida,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Abshir Kooreeye.

Sabaha labada wiil ee kale ay waa ay ku guul darreysteen doorashii ay u tartamayeen, haddaba maxaa sababay.

“Cumar Abuubakar waxa uu ka tartamayay xisbiga NDP kaas oo kuraasta doorashada si guud wuu lumiyay marka guul darradaas xisbiga ku timi ayuu qeyb ka ahaa oo xitaa hoggaamiyihii xisbiga baa kursigii uu ku fadhiyay lumiyay, sababta labaadna waxay ahayd inuu ku cusbaa xaafadda uu ka tartamayay, dadka Soomaalida iyo guud ahaan soo galootigana ku yaryihiin ayay ahayd marka labaas ayaan is oran karaa in guul-darrada Cumar ay sabab u ahayd, ayuu BBC-da u sheegay Cabdiraxmaan Abshir Kooreeye.

Dhanka kale Kooreeye ayaa sheegay in Sayid Axmed oo isaga ka tartamayay xisbiga Conservative-ka uu si la mid ah Cumar ay xaafadda uu ka tartamayay ay ahayd xaafad uu ku cusub yahay dadka Soomaalida iyo soo galootiga ay ku yaryihiin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in labadooduba ay ahayd markii ugu horreysay ee ay doorashada tijaabiyaan.

Waa kuma Axmed Xuseen?

Axmed Xuseen, waxaa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Muqdisho
Qoraalka sawirka,Axmed Xuseen, waxaa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Muqdisho

Axmed Xuseen, waxaa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga iyo qoyskiisu waxay ka qaxeen dagaaladii Sokooye ee ka qarxay sanadkii 1991-dii.

Axmed, iyo laba walaalihiisa iyo waaliidkii ayaa u soo qaxay dalka deriska la ah Soomaliya ee Kenya halkaas oo ay ku noolaayeen xerada Otaango ee ismaamul xeebeedka Kismaayo.

Axmed iyo qoyskiisu ka dib dib uguma laaban Soomaaliya.

Laba sano ka dib markii uu Muqdisho ka yimid, Axmed Xuseen, wuxuu si qaxootinimo ah ku aadan wadanka Canada.

Hussen wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacadda York isagoo ka qaatay shahaadada BA ee taariikhda sannadkii 2002. Wuxuu sidoo kale sharciga ka bartay Jaamacadda Ottawa, wuxuuna gudbay imtixaanka qareennimada bishii Sebtembar 2012, isagoo ku takhasusay sharciga socdaalka iyo dambiyada.

Wuxuu muddo dheer ku soo jiray ka shaqaynta adeega dadweynaha oo gobolka Ontario.

Siyaasadda iyo Axmed Xuseen

Bishii Diseembar 2014, Hussen wuxuu isu soo taagay musharrax u tartamaya kursi ka tirsan Xisbiga Liberal ee Kanada, gaar ahaan degmada York South—Weston, doorashadii federaalka ee 42-aad ee Kanada. Wuxuu ku guuleystay hanashada magacaabista xisbiga isagoo ka adkaaday lix musharrax oo kale. Guushan waxay ka dhigtay Ahmed qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Kanadiyaan ah ee loo doorto Golaha Shacabka ee Kanada.

Xukuumadii uu hoggaaminayey Raysal Wasaare Justin Trudeau, Xuseen, waxaa loo magaacabay wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dalkaas sanadkii 2017-kii.

Xusseen, wuxuu sanadkii 2017 ku dhawaaqay in Dowladda Kanada ay soo dhoweyn doonto ku dhowaad hal milyan oo muhaajiriin ah saddexda sano ee xigta. Tirada dadka la filayay inay soo galaan dalka waxay ahayd:

310,000 muhaajiriin sannadka 2018, oo ka badan 300,000-kii la qaatay 2017,

330,000 sannadka 2019,

iyo 340,000 sannadka 2020.

Qorshahan wuxuu qeyb ka ahaa istaraatijiyad ballaaran oo lagu taageerayo koritaanka dhaqaale iyo xallinta baahida shaqaale ee gudaha dalka.

Sanadkii 2019-kii isku shaandhayn uu sameeyey Raysal Wasaare Trudeau, Axmed Xuseen ayaa loo magacaabay wasiirka Qoyska, carruurta iyo horumarinta bulshada.

Axmed, ayaa mar saddexaad loo magacaabay wasiir xukuumadii Trudeau, Kadib markii Xisbiga Liberal uu ku guuleystay doorashadii federaalka ee 2021, Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa Ahmed Hussen ku sii hayay golihiisa wasiirrada, isaga oo u wareejiyay xilka Wasiirka Guryeynta, Kala-duwanaanta iyo Is-dhexgalka.

Bishii Luulyo 2023, Ahmed Hussen ayaa loo magacaabay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah, isagoo beddelay Harjit Sajjan. Xilkan wuxuu masuul ka yahay mashaariicda gargaarka horumarineed ee Kanada ku taageerto dalalka kale, gaar ahaan kuwa ay colaadaha iyo faqrigu saameeyeen.

Bishii Janaayo 2025, Hussen wuxuu booqasho rasmi ah ku tegay Bariga Dhexe si uu uga wada hadlo arrimaha gobolka kadib markii xukunkii Bashar al-Assad ee Suuriya uu dhacay bishii Diseembar ee ka horreysay. Safarkiisa waxaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama uu qeyb ka ahaa waftigii ugu horreeyay ee Kanada u tago xadka Suuriya iyo Turkiga, halkaas oo uu ku dhawaaqay $17.25 milyan oo gargaar bani’aadannimo ah oo loogu talagalay dadka reer Suuriya.

Axmed Xuseen, oo ilaa sanadkii 2014-kii ahaa xildhibana ka tirsan baarlamaanka Canada ayaa mar kale difaacday kursigii doorashadii dhacday laba maalin ka hor dalkaaas, isagoo ka tartamayey xaafada York South—Weston ee magaalada Toronto ee dalkaasi.

Waa musharaxaa kaliya ee ka mid ahaa tiro saddex ah oo asal ahana Soomaali ah oo guulastay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*