16th October 2024  admin  Category :

Waa kuma Nasrallah hoggaamiyaha Xisbullah ee ay Israa’iil dishay

Xisbullah ayaa xaqiijisay geerida hogaamiyihii ururkaasi Sheekh Xasan Nasrallah, kadib markii Israel ay sheegtay inay 64-jirkan ku dishay duqeyn ay ka geysatay Beirut.

Nasrallah oo ahaa hogaamiyihii hore ee dhaq dhaqaaqa Shiicada Islaamiga ah ee Lubnaan ayaa ahaa mid kamid ah shaqsiyaadka ugu caansan iyo kuwa saameynta ku leh bariga dhexe.

Kahor dhimashadiisa, Nasrallah laguma arag meel fagaare ah muddo sanado ah, sababtoo ah cabsi laga qabay in Israel ay disho.

Milatariga Israa’iil waxay maanta oo sabti ah sheegeen inay ku dileen Nasrallah weerar ay ku qaadeen caasimadda Lubnaan.

Nasrallah waxa uu ahaa shakhsi xiriir dhaw la leh Iran oo door muhiim ah ka qaatay sidii Xisbullah ay u noqon lahayd cudud siyaasadeed iyo mid ciidan oo ay maanta taagan tahay.

Dadka taageera kooxda Xisbullah ayaa aad ixtiraami jiray wadaadkaan muddada hoggaanka u hayay.

Intii uu hogaaminayay Nasrallah, Xisbullah waxa ay gacan ka geysatay tababarida dagaalyahano ka tirsan kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas, iyo sidoo kale maleeshiyaadka Ciraaq iyo Yemen, waxa ayna Iran ka heshay gantaalo iyo hub culus oo ay u adeegsato Israa’ii

Hoggaaniminta Xassan Nasrullah

Markii uu Nasrallah ku biiray kooxda Xisbullah, waxa uu jiray 22 sano oo keliya,

Bartamihii 80-meeyadii, ayuu mar kale Nasrallah wuxuu go’aansaday inuu u guuro magaalada Qom ee dalka Iraan si uu u sii wato waxbarashadiisa diinta. Mudadii uu ku sugnaa machadka Qom, Sheikh Xassan waxa uu noqday mid aad ugu xeel dheer luuqada Faarisga ee dalkaasi Iraan looga hadlo , waxa uuna la samaystay saaxiibo badan oo saameeyn siyaasadeed iyo miltari ku leh dalka Iran.

Markii uu ku laabtay Lubnaan waxa isla markiiba waxa dhashay khilaaf weyn oo u dhexeeya isaga iyo Cabbaas Muusawi oo ka tirsan hogaanka Xisbullah , Waqtigaas, Musaasawi wuxuu taageeray kordhinta dhaqdhaqaaqa Suuriya iyo saameynta Lubnaan ee hoggaanka Xaafid Assad. Taas bedelkeeda, Nasrallah wuxuu ku adkaystay in kooxdu ay diiradda saarto weerarrada ka dhanka ah askarta Mareykanka iyo Israa’iil.

Hoggaanka Xisbullah ee Lubnaan

Markii Israa’iil ay dishay Cabaas Musaawi oo hogaanka Xisbullah, wax ka yar hal sano kadib ayaa Xassan Nasrullah loo doortay xoghayaha guud ee Xisbullah, Isla sanadkaas 1992-kii, xilgaas wuxuu ahaa 32 sano jir, dad badan ayaa u arkayay doorashadiisa inay la xiriirto xiriirkiisa gaarka ah ee Iran.

Talaabooyinka muhiimka ah ee Xassan Nasrullah wakhtigan qaaday waxaa ka mid ahaa in Xisbullah helaan qaar ka mid ah xildhibaan Barlamaanka waxan waqtigaasi ay Lubnaan Sacuudiga ku guuleeystay nabad laga abuur dalka lubnaan ,Nasrallah waxa uu go’aansaday in uu ka dhigo Xisbullah koox siyaasadda oo ka jirta dalka laguna garab wado ciidanka.

Ka bixitaanka Israa’iil ee Lubnaan iyo soo shaacbixii Nasrullah

Sannadkii 2000, ayay Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay gebi ahaanba ka baxayso Lubnaan, waxayna soo afjartay qabsashadii Israa’iil ee gobollada koonfureed ee dalkaas. Kooxda Xisbullah ayaa u dabaaldagtay arinta oo ay guul weyn ku tilmaantay ,waxaana ammaanta guushaas loo aaneeyay Nasrullah.

Ka bixitaanka Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan waxaa ay ahyed markii ugu horeysay ee Israa’iil ay ka baxdo dhul waddan Carbeed iyada oo aan la helin heshiis nabadeed, dad badan oo Carab ah oo gobolka ah ayaa u arkayay guul muhiim ah.

.

Dilkii Rafic Xariir iyo ka bixitaanka Suuriya

Sanadkii 2005-tii, ka dib dilkii Rafic xariir oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii Lubnaan ee xilligaas, ra’yul caamka dadka reer Lumnaan waxaa ay u arkayeen in uu ahaa siyaasi muhiim ah oo xariir dhaw lalahaa Sacuudiga, kaasoo dadaal badan u galay sidii looga hortagi lahaa kororka awoodda Xisbullah.

Dailkii Xariiri kadib Kooxada ayaa wajahday Caro dadwayne Waxaan lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilka Xariiri,waxaan dhacay bananbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday.

Si kastaba ha ahaatee, markii doorashadii baarlamaanka ee dalkaasi la qabtay isla sanadkaas, kaliya ma kordhin codka Hezbollah, laakiin kooxdu waxay sidoo kale ku guulaysatay inay laba ka mid ah xubnaheeda u darto xukuumadda oo loo magacaabo labo wasaaradood.

2006, dagaalyahannada Xisbullah waxay galeen Israa’iil, iyagoo dilay hal askari, waxayna qafaasheen laba askari. Jawaabta Israa’iil waxay ahayd weerar xooggan oo socday 33 maalmood, kaas oo lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo reer Lubnaani ah.

Dagaalkaasi kadib waxaa kor u kac uu yimid in magaca kooxada iyo hogaamiyahooda uu gaaro meel sare waxaan wadamadda Carabta llooga aqoonsaday in uu yahay qofkii ugu dambeeyay ee iska caabiya Israa’iil.

Dhammaadkii dagaalka, Xisbullah weli way diiday inay hubka dhigto, Intaa waxaa dheer, kooxdani waxay door muhiim ah ka ciyaartay dib u dhiska burburkii uu ka tagay dagaalku

.

Kordhinta Awooda koxada iyo Adkeynta Mawqifka Nasrallah

Markii ay korartay awoodda Xisbullah,waxaa batay kooxaha kasoo horjeeda , gaar ahaan siyaasiyiinta Sunniga ah ee Lubnaan, waxaan ay ku doodeen in kooxdu ay Dowladda Lubnaan ka dhax sameeyteen Dowlada kale ,iyagoo caddeeyay in dhaqdhaqaaqooda ay wiiqi doonaanto ammaanka iyo dhaqaalaha dalka.

Sannadkii 2007dii, ka dib bilo qalalaaso siyaasadeed ah , dawladda Lubnaan waxay go’aansatay in nidaamka isgaadhsiinta ee ay maamusho “Xisbullah” la baabi’iyo, arrimaha isgaarsiintana la hoos geeyo dowladda oo keliya,go,aankaasi waxaa diiday Nasrullah maleeshiyaadkiisa ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Beyruut.

Sannadkii 2008, inkasta oo la dhimay kuraasta “Xisbullah” ee baarlamaanka Lubnaan, Nasrullah wuxuu ku guuleystay inuu sii haysto tirada ugu badan ee kuraast Barlamaanka ee dalkaasi .

Isla sanadkaas, golaha wasiirada Lubnaan ayaa ansixiyay in Xisbullah loo ogolaado in ay haysato hubkeeda.

Hadda da’da Sheekh Xasan Nasrullah waa 63, looma tixgalinayo kaliya in uu yahay hogaamiye siyaasadeed balse waxaa uu ku faanaa rikoor tobanaan sano oo halgan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*