20th September 2024  admin  Category :

Waa kuma Kariim, dacwad oogaha ICC ee ku dhiirraday in la soo xiro Netanyahu iyo hoggaamiyeyaasha Xamaas?

Maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa tixgelinaysa in ay soo saarto amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo hogaamiyayaasha Xamaas ee loo haysto dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Madaxa dacwad oogaha ICC ee kiiskan waa Karim Asad Ahmed Khan ayaa asal ahaan ka soo jeeda Pakistan.

Hadalkiisa maxkamada ayuu ku sheegay inay jiraan sababo macquul ah oo lagu aamino in Netanyahu iyo wasiirka difaaca Israel Yves Galant ay gaysteen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ee Gaza.

Dhanka kale, Netanyahu ayaa cambaareeyey codsiga xarigiisa, wuxuuna ku tilmaamay go’aan caqli-gal ahayn oo khaldan, uuna ka xun yahay, in Israa’iil la barbar dhigo “Ururka Xasuuqa ee Xamaas”.

Dacwad oogaha ICC-da ayaa sidoo kale doonaya in la soo xiro saddex hoggaamiye oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Saddexdaan nin ayaa kala ah madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah, Madaxa milatariga kooxda Maxamed Deif iyo Yaxye Sinwar oo ah hoggaamiyaha kooxda ee Qasa.

Dacwad oogaha ICC-da ayaa sidoo kale doonaya in la soo xiro saddex hoggaamiye oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Qoraalka sawirka,Saddexdaan nin ayaa kala ah madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah, Madaxa milatariga kooxda Maxamed Deif iyo Yaxye Sinwar oo ah hoggaamiyaha kooxda ee Qasa.

Mr Khan ayaa ku eedeeyay hogaamiyayaasha Xamaas inay galeen dambiyo ay ka mid yihiin xasuuq, dil, afduub, kufsi, xadgudub galmo iyo jirdil.

Inta badan eedeymahaan ayaa salka ku haya waxyaabihii dhacay laga soo bilaabo 7-dii Oktoobar, markii mowjado weerarro ah ay Xamaas ku qaadday Israa’iil iyo jawaabtii ay ka bixisay Israa’iil.

Xamaas ayaa mar sii horreysay dalbatay “in la baabi’iyo dhammaan amarrada lagu soo xirayo hoggaamiyeyaasha iska caabinta Falastiiniyiinta”.

Karim Asad Ahmed Khan waxa uu 30 Maarso 1970-kii ku dhashay magaalada Edinburgh ee dalka Scotland. Aabihii Dr. Siciid Axmed wuxuu ahaa Pakistani.

Waxa uu u soo guuray Ingiriiska 1960-kii isagoo ka yimid Pakistan. Asad Khan hooyadii waa muwaadin British ah.

Sannadkii 1992, Karim Khan waxa uu bilaabay ku shaqaynta sharciga ka dib markii uu shahaadada sharciga ka qaatay King’s College, London. Waa xubin ka tirsan Temple Garden Chambers, shirkad sharci oo London ka hawl gasha.

Waxa uu leeyahay in ka badan 30 sano oo waayo-aragnimo xirfadeed sida sharciga dembiyada caalamiga ah iyo qareenka xuquuqda aadanaha.

Karim Asad Ahmed Khan
Qoraalka sawirka,Karim Asad Ahmed Khan waxa uu 30 Maarso 1970-kii ku dhashay magaalada Edinburgh ee dalka Scotland. Aabihii Dr. Siciid Axmed wuxuu ahaa Pakistani.

Waxa uu khibrad dheer u leeyahay maxkamadaha dembiyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah sida xeer-ilaaliye, u doodaha dhibanaha iyo qareenka difaaca.

Waxa uu ilaa hadda qareen uga soo muuqday Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee Rwanda, Maxkamadda Caalamiga ah ee Yugoslavia, Maxkamadda Gaarka ah ee Lubnaan iyo Maxkamadda Gaarka ah ee Sierra Leone.

Intii u dhaxaysay 1997 iyo 2000, Karim Khan waxa uu lataliye sharci u noqday dacwad oogayaasha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Yugoslavia iyo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Rwanda.

Waxa uu la taliye sare ka soo noqday maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, waxaana uu sidoo kale u dooday wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi ee Saif al-Islam intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2018.

Marka laga soo tago arrintan, Karim Asad Khan waxa uu sidoo kale ahaa Guddoomiyaha Golaha Qareenada ee ICC intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2018. Sidoo kale waa Safiirka Caalamiga ah ee Ururka Qareenada Afrika.

Sanadkii 2018, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u magacaabay la taliyaha gaarka ah ee ugu horreeya iyo madaxa kooxda Qaramada Midoobay ee baaraya dambiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha ee ay gaysteen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka (ISIS) ee Ciraaq.

Intii lagu guda jiray kalfadhiga sagaalaad ee Golaha Dawladaha xubinta ka ah Rome Statute ee lagu qabtay New York Febraayo 12, 2021, Karim Asad Khan waxaa loo doortay inuu noqdo Xeer Ilaaliyaha ICC, kaasoo xafiiska loo dhaariyay Juun 16, 2021.

Waxa uu ahaan doonaa dacwad oogaha ICC muddo sagaal sano ah. Waa xeer ilaaliyihii saddexaad ee soo mara taariikhda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, taasoo la aasaasay bishii Luulyo 2002.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*