19th September 2024  admin  Category :

Waa indhoole haddana wuxuu heer ka gaaray tartanka gaari kaxeynta

Gaadhigan guduudan ee Corolla ee ay shirkadda Toyota samayso ayaa ku orday waddada wareegga ah ee tartamada orodka gawaadhida lagu qabto- Chutana, xawaare ah 180 kilomitir saacaddiiba.

Guuxa salbatooyada ku rakiban matoorka awoodda badan ayaa jabiyey aamusnaanta duhurkii ee goobtan caasimadda Lima ee Peru u jirta 44-ta kilomitir.

Dhowr wareeg oo kale ka dib gariga ayaa gees la dhigay. Wadaha ayaa iska siibay duubka iyo koofida gaashaanka madaxa. Isaga oo dhididsan balse qanacsan ayuu kaamarada u taagaay suulka si uu u muujiyo qanacsanaantiisa sida uu u kaxaynayey gaariga.

“Magacaygu waa Pacho Kantt waxaana ahay indhool”

Sida dhabta ah indhoolenimada waxaa usii dheer inuu dhagahana naafo ka yahay sida ay caddeeyeen kaaliyeyaasha maqalka oo labadiisa dhagoodba ku jira.

Nin Firfircoon

Pacho Kantt oo taagan
Qo

Kantt oo 48 jir ah ayaan waxba arkin haba yaraatee. Kaliya wuxuu dareemi karaa haddii uu la kulmo iftiin aad u xooggan, wax kale ma arki karo, wuxuuna qabaa dhago la’aan dhexdhexaad illa heer daran ah.

Dhammaan dhibaatooyinkan waa natiijo ka dhalatay cudurka afka qalaad loo yaqaan ‘retinitis pigmentosa’ kaas oo si tartiib-tartiib ah u daboolay araggiisa illaa uu indhool rasmi ah ka noqdo sannadkii 2005.

Balse muddo kooban ayaa kugu filan inaad la qaadato si aad u ogaato in cudurku araggiisa la tagay balse bashaashnimaddiisu dhammaystiran tahay.

“Markii aan indho beelay, waxaan go’aansaday in tani aysan ila hadhin,” ayuu u sheegay BBC Mundo isaga oo weli ku qafilan labiska tartanka baabuurta.

Wuxuu ku qasbanaaday in uu joojiyo wadista gaariga ee waddoyinka caadiga ah, taas oo uu ku tilmaamay “mid adkayd” balse wuxuu sii watay noloshiisa, nolo ku xeeran waxa uu jecel yahay.

“Markaan yaraa ilaa hadda waxaan jeclahay gawaarida,” ayuu yiri.

Pacho wuxuu maamulaa geerash ku yaal magaalada Lima ee caasimadda dalka Peru, waxaanu sidoo kale ka ganacsadaa kala iibinta gawaarida.

Pacho wuxuu si mashquul ah uga shaqeeyaa xafiiskiisa isaga oo taleefanba kan ku xiga qabanaya, heshiisyo samaynaya, iibinaya adeegna bixinaya isaga oo adeegsanaya teknoolajiayada maqalka caawisa.

Mararka qaar waxaad xitaa ka shakin kartaa inuuba indhool yahay. Balse shakigaagu wuxuu baxayaa marka aad aragto isaga oo galaya aagga makaanigga.

Wuxuu socsoconayaa isaga oo gacan ka helaya Piero Polar oo ah saaxiibkiisa aadka ugu dhow. Wuxuu soconayaa isaga oo garbaha ka haysta.

Kantt oo gaari farsameynaya
Qoraalka sawirka,Pacho Kantt iyo saaxiibkiis Piero Polar ayaa wax walba isla qabta

Kuwo mar walba isla jira

Run ahaantii, darawalka asalka ah Piero ayuu ahaa markii ay ka qayb galayeen kuna guuleysanayeen tartankii Peru, Piero ayaa shukaanta gaariga hayey Pacho koox uu ka mid yahayna waxay qabanayeen farsamada, cillad bixinta maareynta, iwm.

Pacho ayaa sidoo kale sheegaya sidii uu maalin maalmaha ka mid ah u noqday kan gaariga wada qudhiisa. “Maalin ayaan Piero ku idhi, ‘waxaan doonayaa inaan kexeyo gaarigaaga’. wuxuuna iigu jawaabay, dabcan markii aad doonto kexee.”

Wax ku bilowday iska fikir waalli ah ayaa noqday xaqiiqo ka dib tijaabo aan maray. Piero ayaa mar walba la raaca gaariga isaga oo ku fadhiya kursiga rakaabka una sheegaya Pacho waxa uu samaynayo mar walba.

Gaariga Pacho Kantt
Qoraalka sawirka,Kantt ayaa ku tababarta gaari khaas ah- Toyota Corolla

Labadoodu waxay samaysteen luuqad taabasho ah oo ku salaysan xerada tartanka maxaa yeelay dhawaqa gaariga ayaan u suurta galineynin in pacho uu maqlo hadalka Piero ee tilmaamta.

Saas darteed, tusaale, marka Piero uu taabto cududda gacanta Pacho, waxay ka dhigan tahay in uu xakamaha (bereegga) gaariga qabto. haddii uu laba jeer taabtana waxay ka dhigan tahay in uu si xoog ah u qabto xakamaha. waxaa sidoo kale jira is gaarsiinta degdegga ah. “Marka uu gacantayda garaaco, waxay ka dhigan tahay, ‘war jooji waxyahow waalan ha inna laynine’ ” ayuu yiri Pacho oo qoslaya.

Layli badan ka dib pacho wuxuu bilaabay in uu galo bandhigyo dalxiis. “Yoolkaygu wuxuu ahaa in aan dadka tuso in aanay jiray xaalad adag oo kaa hor istaagi karta ujeedkaaga,” ayuu yiri.

Ka dib markii uu maray marar badan waddada tartanka wareegga ah ee Chutana wuxuu u kala bartay sida dhabarka gacantiisa. Xujada xiga waxay ahayd in uu bandhig gaari kaxays ah ku sameeyo waddo tartan oo uusan aqoon taas oo ku taal Equador waanu sameeyay.

“Dad aad u badan ayaa joogay, waxayna ii ahayd fursad cajiib ah,” ayuu yiri Pacho.

Aragga oo soo laabtay?

Kantt
Qoraalka sawirka,Kantt wuxuu doonayaa in uu noqdo qof ku dayasho mudan

Wareeggiisii u horreeyay ee La Chutana wuxuu ku qaatay 1 daqiiqo iyo 30 ilbiriqsi. inkastoo sida uu sheegay, “tani maysan ahaynxawaaraha ee waxay ahayd in farriinta dadka u gudubto ah in aadan soo joogsan ee aad hor u socoto waligaa.” Pacho waa ganacsade, aabbe iyo nin gawaarida aad u xiiseeya. Gabadhiisa 15 jirka ah ayaa sida isaga lagsoo xigtay u ah waxa kale ee uu aadka u jecel yahay. Waxay la noolayd tan iyo markii ay hooyadeed kala tageen, markaas oo ay 4 sani jir ahayd.

Markii ay dhalanaysay Pacho wuu indha la’aa. “Waa waxa ugu horreeya ee aan eegi doono haddi aan aragayga dib u helo.” ayuu yiri.

Si riyadaasi ugu hir gasho Pacho wuxuu u baahan yahay qaliinka Retina oo ah mid aan weli la heli karin.

Kama raja dhigin in maalin maalmaha ka mid ah saynisku gaari doono heer indhihiisa uu dib u helo, balse hal arrin ayaa isaga u cad: “Uma joogsanayo xanuunkayga, saas tarteed maalin walba waxaan isku dayayaa sidaan u noqon laha aabe wanaagsan, qof wanaagsan iyo ganacsade wanaagsan.”

Inkasta oo aanu waxba arkeynin taasi waa sababta Pacho uu sheelaraha lugta ugu riixo.

BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*