20th September 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyey inuu beesha Isaaq  si waafiya uga Garaabayo Calaacalkooda, hase yeeshee aan soo hadal qadin duulaanka joogtada ah ee SNM  ku hayaan gobolada Sanaag iyo Sool.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Khudbadan khiyaano Qaran  ka hor jeediyey Golaha Shacabka ama sharcidejiyaasha Soonmaliya. Madaxweyne Farmaajo  ayaa sadex mar khudbaddiisa ku  sheegay  Eragayga “Somaliland “oo ah astaan ay isticmaalaan canaasiirya Soomaaliya diidka ah ee doonaya inay Soomaaliya kala gooyaan. Burburkii ka or ma jirin gobol Somaliland la oran jiray, maanta in madaxweyne FARMAAJO  golaha baarlamaanka uu kaga kudbadeeyo SOMALILAND waa khiyaano Qaran.

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee furitaanka kalfadhiga 5-aad Ee Golaha Shacabka.

“Dib u heshiisiintu waxay ka mid tahay ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee maamulkayga. Sidaas awgeed, waxaan rabaa inaan idinla wadaago in Golaha Wasiirada ay u suurta gashay in ay ansixiyaan Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaranka iyo Qorshe hawleedkiisa fulineed si loo qaabeeyo, loona dardargeliyo dadaallada dib-u-heshiinta ee dalka ka socda.

“Dhanka kale, waxaa naga go’an inaan ka mira dhalinno wadahadallada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si xal waara loogu helo tabashooyinka walaaleheen Somaliland. Waxaan ku bixinaynaa dadaal dheeri ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Waxaan diyaar u nahay inaan si waafi ah uga garawno tabashooyinka ay qabaan walaaleheenna reer Somaliland.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*