18th October 2024  admin  Category :

Tuuga aan dharka bedelan ee gacanta wada mariyay suuqyada Soomaalida

Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa kuu baahay muqaalo ay duubtay kaamirada CCTV, oo muujinaya nin dhallinyaro ah oo dhex taagan tukamao kala duwan, kaas oo ay ganacsatada qaar ku sheegeen inuu tahay tuug si farsameysan wax u dhaca.

Ninkaas ayaa la’arkayay isaga oo ka dukaameysanaya dhowr goobood oo ganacsi oo ay Soomaali leeyihiin. Ganacsatada ayaa sheegay in ninkaasi lacago ugu diray adeegga loo yaqaanno M-pesa-da – ee xawila kaashka danabaysan, kadibna ay codsadeen in lacagahaasi dib loogu celiyo oo ay kasoo qaldameen, iyagoo intaa kadibna waca shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom sidaasna loogu celiyo lacagta mar labaad.

Safaricom ayaa siisa macaamiisheeda jaanis ay dib ugu soo ceshan karaan markii lacago ka qaldamaan, iyaga oo maraya hanaan gaaban oo farriin uu qofku ku diri karo lamabar ka kooban saddex xaraf.

Dadka habkaas lagu dhacay waxaa kamida gabar lagu magacaabo Farxiyo Sharaf oo kamida ganacsatada Islii iyadoo labo mar oo kala duwan sidaas lacag looga qaatay.

Farxiyo

Farxiyo oo sharraxday sidii lacagta looga dhacay ayaa tiri, ”Markii hore ninkaan lacag ayuu iiso diray gaareysa 35,000 oo Ksh ah, waxaan u heystay qof alaab iga dalbanaya, wuu isoo wacay oo i baryay oo igu yiri, ‘Walaaley wey igasoo qaldantay ee iiso celi’. waxaan iri ‘shirkadda waco ha kuu soo celiso’. Isaguna wuxuu igu yiri ‘Macalin dugsi miskiin ah ayaan ahay mana aqaan sida shirkadda loo waco ee adiga iiso celi’, waan ka aqbalay oo waan u diray”.

Mar kale ayay sheegtay inuu lacag u soo diray isla maalinkii. Markaan waxay gaareysay lacagtu qadar dhan KSh 45,000 ($303).

“Markaas ayaan ku xanaaqay oo aan ku iri niyohow shirkadda waco hakuu celiso ee idhaaf”, ayaa BBC u sheegtay Farxiyo. “Kadib wuu igu calaacalay oo igu yiri, ‘Hooyadey oo xanuunsan ayaan isbitaal ku geyn rabaa walalaaley ilaahay dartii iiguso celi, ilmo yar ayaa si qaldan iigaso diray markalana ma dhacayso’. aniga markaa waan u celiyay.

“Intaa kadib shirkaddii ayuu wacay oo lacagihii loo diray mar labaad ayaa ninkii loo diray oo M-Pesa deyda laga saaray, halkaana waxaan ku waayay lacag gaareysa 90,000 oo lacagta Kenya ah una dhiganta $606”, ayay tiri Farxiyo.

Farxiyo ayaa sii raacisay in ninkaan uu dhacay mar saddexaad isagoo tagay goobteeda ganacsi kadib ayuu ka adeegtay oo u diray lacag kabadan intii uu wax ku iibsaday waxa uuna sheegay in ay ka qaldantay dirista lacagta waxa uuna codsaday in loo celiyo, xilligaasi Farxiyo ma aysan jogin dukaanka waxaana dhacday in loo celiyo lacagtii uu sheegay in ay ka qaldantay, intaa kadibna uu wacay shirkadda Safaricom sidaasna mar labaad loogu celiyay lacagtii oo gaareysay ku dhawaad shan boqol oo doollar, (500%)

Cumar

Dadka kale ee sheegay inuu ninkaasi dhacay waxaa kamid ah Cumar cabdi Katiibo, oo ah nin dhallinyaro ah oo dharka tola.

Cumar ayaa BBC u sheegay in ninkaan uu yimid tukaankiisa isaga oo maqan, una sheegay dhalinyaro joogtay tukaanka inay qaraabo yihiin.

“Waxay u sheegeen in aanan joogin balse ay u adeegi karaan oo ay soo dhaweynayaan, waxa uu ku madax adeygay in aniga uu ila kulmo, intaa kadib wiilashii waxay igasoo dooneen dukaan kale oo aanan meesha ka fogeyn sidii ayaana ugu imid ninkan”.

Markuu soo gaaray tukaanka, Cumar wuxuu hseegay inay ninka ku kulmeen meheradda.

”Ninkii waxa uu igu yiri, ‘Niyohow qaraabo kore ayaan nahay ima taqaanid, waxa aan rabaa in aad alaab jumlo ah ah iga iibiso gaar ahaan dharka lammaanaha waxaan rabaa in aan sii iibiyo ee qiimo jaban igusii’. Ugu dambeyn waxa aan ku heshiinnay lacag Ksh 150,000 oo kenya shilin ah waana u adeegay”.

CCTV Pic

Intaa kadib Cumar iyo ninkan waxa ay isku afgarteen in dharka berri uu usoo laabto oo loo diyaariyo waxana uu diray lacag carbuun ah oo gaareysa KSh 75,000.

Maalinkii xigay ayuu ninkii usoo laabtay alaabtii isaga oo bixiyay acagtii ku dhimaneyd oo ahayd KSh 75,000 sidaasi waxaa koontada Cumar ee M-pesada ugu dhacday KSh 150,000 ($1011) iyadoo adeegga kadib uu codsaday in uu u bahanyhaay lacag Ksh 80,000 oo ah lacagta danabeysan loogu sarifo kaash.

Cumar ayaa sheegay inuu ka aqbalay dalabkaas oo uu lacgat u sarifay sidaas ayaana lagu kala baxay.

Sidii uu Farxiyo horay ugu sameeyay oo kale, markii uu dibadda u baxay ayuu la xiriiray shirkadda Safaricom, sidaas ayuuna ku soo ceshtay dhamaan lacagihii uu ku adeegtay iyo lacagtii kale ee uu codsaday in kaash ahaan loo siiyo ee uu M-pesada ku diray halkaana, sida uu Cumar noo sheegay. Cumar wuxuu halkaas ku waayay lacag gaareysa KSh 230,000 oo u dhiganta in kabadan kun iyo lix boqol oo doollar (1600$) iyo sidoo kale alaabtii uu ninka ka iibiyay.

Ma aha Cumar iyo Farxiyo oo kaliya ee waxa sidaasi lacago looga dhacayo ganacsato badan, waxay sheegeen in ay xarumaha booliska ka dacwoodeen isla markaana ay u tageen shirkadda Safaricom si ay dib ugu helaan lacagahooda, shirkadda ayaa ku wargelisay in la caawinayo iyagoo weli aan lacagahooda helin.

Dhammaan muuqaallada ay soo bandhigeen ganacsatada ee ay duubtay kamaradda CCTV-ga ayaa ninkan waxa uu wataa dhar isku mid ah taasi oo sahashay in dukaanleydu ay si fudud u gartaan dhaca kadib.

Saldhigga booliska Bumwani oo aan la xariirnay waxay sheegeen in hal kiis oo la xariira ninkaas uu soo gaaray, ayna hawshiisa ku jiraan. Balse waxay ku booriyeen in dadku u soo dacwoodaan booliska.

Ganacsatada ugu badan ee uu bartilmaameedsaday ayaa ah kuwa ganacsiyadooda ku xayeesiiya baraha bulshada ama shacbiyadda badan ku dhex leh aaladda TikTok-gga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*