16th September 2024  admin  Category :

Turkiga iyo Masar oo sheegay in ay isku raaceen ilaalinta madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya

Kualan ka dhacay magaalada Qaahira oo ay yeesheen wasiirada arimaha dibadda ee Turkiga iyo Masara Hakan Fidan iyo Badr Abdelatty ayaa waxa ay sheegeen in ay isku afgarteen sidii loo ilaalin lahaa madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Kulanka oo ajandahiisa guud ahaa heshiiska xabad joojin Gaza ee dhawaan ka dhici doona Masar ayaa markii uu dhamaaday kadib waxay labada masuulba qabteen shir jaraa’id, kaas oo ay ku sheegeen in ay muhiimad leedahay midnimada Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Masar oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu yiri: “Waxaa muhiimad noo leh ilaalin midnimada Soomaaliya, dawladda Masarna waxay si dhamaystiran u diidaysaa wax walba oo taabanaya midnimada iyo madaxbanaanada dhuleed ee Soomalaiya,”.

Waxa uu sheegay wasiirku in horay sidaas oo kale ay u sheegeen arrintaan, haatanna ay ku celinayaan.

Dhanka kale wasiirka Arimaha dibadda Turkiga ayaa waxa uu sheegay in dawladaha Ankara iyo Qaahira ay isku afgarteen in la ilaaiyo madaxbanaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya, sida ay daabacaday wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dawladda Masar, sida ay u garab taagan tahay.

War kooban oo lagu daabacay wakaaladda warar ee Soomaaliya, SONNA ayaa lagu yiri: “Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya waxa uu uga mahadcelinayaa dawladda Masar garab istaageeda aan wax loo dhigaa jirin iyo mawqifka cad ee ay ka qaadatay arrinta la xiriirta xoriyadda iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Muuse iyo Abiy

Tan iyo bilowgii sanadkaan ayaa waxaa khilaaf ka dhaxeeyay dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo bilowday kadib markii dawladda Itoobiya ay heshiis is afgarad oo ku saabsan in laga kireeyo dhul xeebeed 20 kilimitir ay la saxiixatay Somaliland.

Heshiiskaas ayaa waxaa ka carooday dawladda Soomaaliya, waxayna ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaa dhacay kulamo dhawr ahaa kuwaas oo la isku dayayo in lagu xalliyo khilaafkaas, kuwaas oo ka kala dhacay Addis Ababa iyo Kampala, kuwaas oo ay kala qabteen Midowga Afrika iyo IGAD, balse natiijo wax ku ool ah kama aysan soo bixin dhamaantood.

Balse bilowgii bishii June ayaa dawladda Turkigu waxay bilowday dadaalo xal looga gaarayo khilaafka labada dal, iyada oo magaalada Ankara isugu keentay wufuud ka kala socday Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulankaas ayaa waxaa ka soo baxay natiijo ah in la isku madalsado kulan kale oo ka dhici doono Turkiga marka la gaaro bisha Septemper, kaas oo looga wada hadli doono khilaafka labada dal.

Bulshada caalamka ayaa waxay bogaadisay doorka ay dawladda Turkigu ka ciyaarayso ukala dabqaadista labada dal.

Ka hor kulanka ka dhacay Qaahira wasiirka Arimaha DIbadda ee Turkigu wuxuu safar ku soo maray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo kala madaxda dalkaas arrimo la xiriira shirka la filayo in uu September gudaha Turkiga ku dhex maro Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashadaas ayaa waxay sheegtay dawladda Turkiga in ay qayb ka tahay dhexddhexaadintii ay dawladdu Turkigu ka dhex waday wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Fidan iyo Abiy

Turkiga iyo Soomaaliya

Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas.

Markii uu sare u kacay xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Turkiga iyo soomaaliya waxaa lagama maarmaan noqtay in la helo qaab badeecoyiinka Turkiga lagu geeyo gudaha soomaaliya.

Waxaa abuurmay shirkado badan oo dhanka tasiilaadka iyo alaabaha sidii lagu geyn lahaa Soomaaliya.

Balse bilowgii sanadkaan ayaa waxaa wax wayn iska badaleen qaabka iskaashiga labada dal, kadib markii ay kala saxiixdeen heshiis difaac iyo dhaqaale isugu jiray.

Wasaaaradda macdanta iyo tamarta ee Soomaliya ayaa bishii July ee aynu soo dhaafnay waxay dawladda Turkiga la saxiixatay heshiis shidaal qodis ah, kaas oo saddex xirmo oo shidaal ah idan loo siiyay dawladda Turkiga in ay qoddo kadibna soo saarto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*