29th March 2024  admin  Category :

Turkey oo gacan sayrtay hanjabaad shirkadaheeda uga timid Mareykanka

Wasiirka Maaliyadda Turkey ayaa maanta u sheegay ganacsiyada dalkaas inaysan ka walaacin hanjabaad cunaqabatayn oo Washington ay ka digtay inay kusoo rogi doonto haddii ay la macaamilaan Ruushiyaanka cuanqabataynta la saaray.

Qoraal uu twitter-ka soo dhigay Nureddin Nebati ayaa ah jawaabtii ugu horreysay ee rasmi ah oo Ankara ay ka bixiso warqad ay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka u dirtay ganacsiyada Turkey Isniintii

Ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Wally Adeyemo ayaa uga digay bankiyada iyo shirkadaha Turkey inay wajihi doonaan cunaqabatayn haddii ay la shaqeeyaan Ruushiyaanka xayiraadaha la saaray kadib markii Moscow ay ku duushay Ukraine.

Qiimaha ganacsiga Turkey iyo Ruushka ayaa sare u kacay 50 boqolkiiba intii u dhaxeysay May iyo July.

Nabati ayaa yiri “warqaddaas ma ahan inay walaaciso ganacsiyadeena. Turkey waa mid ka mid ah quwadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ugu muhiimsan caalamka.”

Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa xiriir la leh Ruushka iyo Ukraine labadaba, waxayna isku dayday inay dhexdhexaad ka noqoto dagaalka, ayada oo diiday inay ku biirto cunaqabataynada caalamiga ah.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan iskaashiga dhaqaale kadib kulan ay horraantii bishan ku yeesheen magaalada Socchi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka welwelsan in Ruushiyaanka xayiradaaha la saaray ay sameysanayaan shirkado Turkish ah, si ay ula ganacsadaan dunida kale.

Waxay sidoo kale ka walaacsan yihiin in shirkado Reer Yurub ah ay sidaas oo kale samaynayaan si loo dhinac maro xayiraadaha uu Midowga Yurub saaray Ruushka.

Nabati ayaa sheegay Turkey “waxaa ka go’an inay horumairso xiriirka ganacsi ee deriskeena ee qeybo kala duwan, gaar ahana dalxiiska, si waafaqsan naqshad aanu saameyneyn cunabqataynada.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*