
20th May 2026 admin Category :
Trump oo baajiyay safarka Witkoff iyo Kushner ee Pakistan si ay wada-hadallo ula yeeshaan Iran
Donald Trump ayaa Fox News u sheegay in ergooyinka Steve Witkoff iyo Jared Kushner aysan mar dambe u safri doonin Pakistan si ay wadahadallo u yeeshaan, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka .
Warbaahinta Maraykanka oo soo xiganeysay madaxweynaha oo leh: “Waxa aan haynaa dhammaan kaararka. Way na soo wici karaan wakhti kasta oo ay rabaan, laakiin ma sameyn doono duulimaadyo 18 saacadood ah oo dheeraad ah si ay wadahadallo u yeeshaan.”







