4th October 2024  admin  Category :

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo u gudbay wareega 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 1-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Heliwaa iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sanaag, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Heliwaa iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

 MARCH 23, 2023

Jubbaland oo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka dib u xoreynta ee ka dhanka ah Khawaarijta

 MARCH 23, 2023

Heliwaa

Tartameyaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Heliwaa ay heleen waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen dhankooda,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Sida sharciga tartanka dhigayo marka labo degmo ay isku dhibco noqdaan waxaa lagu daraa tartanka su’aalo dheeri ah, si loo kala saaro tartamayaasha.

Su’aalo dheeraad ah oo min saddex su’aal ah ayaa lagu daray balse labadii su’aal ee hore labada dhinac kama jawaabin, waxaana su’aashii 3aad oo ay lahayd tartamayaasha Degmada Heliwaa waa ay iska qaldeen, laakiin waxaa ka faa’iideystay tartamayaasha Degmada Dhahar, iyagoo sidoo kale saxay tooda gaarka ahayd.

Sidaas darteed tartamayaasha Heliwaa waxa ay heleen 8 dhibcood, halka Dhahar ay la yimaadeen 12 dhibcood, sidaas ayayna ugu soo gudbeen Dhahar wareegga xiga ee tartanka.

Hadaba kulankii 1-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 2-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Warta-Nabadda iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bakool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*