7th September 2024  admin  Category :

 

Taliyihii Iyo Abaanduulihii Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Is casilay.

Taliyihii Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee (Daraawiish-ta) Gen. C/shukri C/llaahi Xuseen, ayaa iska casilay Xilkii, isagoona Waraaqda Is-casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Wararka ayaa Sheegaya in Gen. C/shukri uu saacadihii lasoo dhaafay u gudbiyay Waraaqda Is-casilaadiisa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Is-casilaada Taliyihii Ciidamada Daraawiish-ta ayaa loo sababeeyay Wada-shaqeyn la,aan ka dhex jirtay Isaga iyo Madaxweyne Deni tan iyo markii la doortay.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in uu is-casilay Abaanduulihii Ciidamada Daraawiish-ta Siciid Maxamed Cali Goranyo-cawl, kaas oo isna is casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Si kastaba ha ahaatee, Is-casilaada Taliyihii iyo Abaanduulihii Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee Daraawiish-ta ayaa kusoo beegmaysa xilli Xiisad dagaal ay ka jirto Gobalka Sanaag, taas oo timid kaddib markii beesha Isaaq  ay xoog kula wareegeen Degaano katirsan Gobalkaas.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*