16th September 2024  admin  Category :

Maleeshiyaadka beelaha  Isaaq ee gacan saarka la leh alshabaabka Buuraha Calmadow ayaa dilay taliyahoodii, iyaga oo macdan qodanaya

Taariikhdu Markay ahayd 20 April 2019 waxaa Laba dil Oo toogasho ka Dhacday Maleeshiyaadka  SNM dhexdooda, kuwaas oo Macadan ka bililiqaysanayey  degaano waqooyiga  ka xiga magaalada Yube ee gobolka Sanaag

Taliye ka tirsan Maleeshiyaadka Isaaq  ee bishii hore la keenay Degaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa la dilay, waxa kaloo isla goobta lagu toogtay Askarigii dilay jabhadkii taliyaha u ahaa ,   kadib markuu damcay inuu baxsado ayaa Maleeshiyaadka kale ee Habar awal rasaaas ku fureen, halkii buu isna Ku dhintay.

Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray (Cumar Aw Maxamed Geedi) laguna naaneysi jiray “Nayjeeri” iyo askariga toogtay ayaa ku maqnaa hawlgal bililiqo iyo  macdan qodasho   ay maalmahan ka wadeen degaanada Yube, ee ku dhow saldhigooda. Halka Isimaddii sheegan jiray in degaanadan ay odayaal u yihiin iyaga maalamahan lagu mashquulinayo qado looga sameeyo Gabiileey iyo Arabsiyo oo ay ka soo jeedaan maleesiyaadkan Habar awal ee degaankooda bililiqaysanaysa

Wararka aan ka heleyno deeganadaas ayaa sheegaya in ciidanku uu kacdoon kala kulmo deeganada uu ka doontoo qodista macdanta , taas oo keentay in askar badani ka cagajiidaan inay xeryahooda ka baxaan oo ay qabtaan shaqadii ay markii horeba ay halkaa u yimaadeen ee ahayd bililiqada macdanta.

Deegaanka Carmale Oo maalin dhowayd ciidanku Xaabo u doontay ayey dadkii magaalada kacdoon iyo shiid kale kulmeen Waxyna kasoo baxeen markii xaaladu Xabad isu rogi gaadhay,

Cabsida iyo baqdinta  maleeshiyaadka SNM deegaanka  dilkani kadhacay ka haysata

ayaa salka ku haysa maadama dadka deeganku diidanyihiin maleeshiyaadka SNM ee uu badan beelaha Isaaq, ayna u  arkaan maleeshiyaad degaankooda ku soo duulay

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*