20th September 2024  admin  Category :

Bahda Allsanaag waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Umadda Soomaaliyeed, reer Puntland, Beesha Axmed Harti, qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii  uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Maxamed Faarax Mire oo ahaa Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Puntland.

Alla haw Naxariistee Xildhibaan Maxamed Faarax oo ka tirsanaa Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Puntland ayaa ku geeriyooday shil Baabuur oo ka dhacaysa Deegaanka Qayaadsame Ee Agagaarka Degmada Waaciye Ee Puntland.

Marxumka oo kamid ahaa Xildhibaanada sanadkan soo galay baarlamanka ayaa sido kale ku jiray guddigii Doorashada ee Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale waxa shilka ku geeriyooday Maxamed Sahal Oo Xildhibaanka ay Qaraabo Ahaayeen.

Shilkan Ayaa Waxa Sababay Booyad Shidaal Siday Oo Baabuurka Xildhibaanka dusha ka martay,iyadoona Xildhibaanku uu kusoo Jeeday Magaalada Bosaaso Ee Gobolka Bari.

Gaarigii shilka lagu galay

Allah ha u naxariistee wiilka Xildhibaanka la socday ducadan ayuu dhowaan soo qoray

No photo description available.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*