27th December 2024 admin Category :
Bahda Allsanaag, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed, bulshada Puntland, Reer Maakhir, qoyskii, eheladii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga iyo DDR ee Puntland Axmed Cabdilaahi Yuusuf (Axmed Dawlad) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Garoowe.
Marxuum Axmed Cabdilaahi Yuusuf (Axmed Dawlad) , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah ka siiyo, Aammiin, Aammiin.