19th September 2024  admin  Category :

Suurogal ma tahay in go’aanadii ka soo baxay shirkii wadatashiga qaran hirgalaan iyadoo Puntland ay qaadacday?

Maamulka Puntland ayaa si wayn uga soo horjeestay go’aanadii xalay ka soo baxay shirkii wadatashiga qaran ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdulahi Deni oo maanta khudbad jeedinayay ayaa sheegay in Puntland aysan qeyb ka ahayn go’aanadaasi.

Mr Deni ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aanadii ka soo baxay shirkii wadatashiga qaran uusan Puntland quseyn.

“Waxaa aad ii dhibeysa marin habaabinta hoggaanka dalka ka socota, waxaan rabaa halkan inaan ka caddeeyo waxyaabaha golaha wadatashiga qaranka ka socda wax Puntland ay qeyb ama raalli ka tahay ma aha ” ayuu yir Deni.

Go’aanadii shirka ka soo baxay ayuu madaxwayne Deni ku tilmaamay kuwa ay dhowr qof gaareen oo aysan Puntland quseyn.

Dhowr qof go’aano ay soo saareen oo aan runtii ka turjumeyn bulshada dareenkeeda, waxaa weeye waqtiga umbey sii dileysaa, waxaan rajeynayaa in uu caqligu taliyo.

Waaxaa uu madaxwayne Deni ugu baaqay hay’adaha dowladda ee kala duwan inay isu yimaadaan islamarkana go’aano laga soo saro.

“Waxan u baahanahay golayaasha dowladda hogaaminaya in madallo noocan oo kale ah isu yimaadan laga wada qeyb galiyo dhammaan dadka oo war cad laga soo saaro,” ayuu ku nuuxnuuxsaday.”

Madaxwaynaha Puntland Saciid Caddulahi Deni

Madaxwaynha Puntland ayaa farta ku fiiqay in loo baahan yahay in laga dhabeeyo midnimada iyo wadajirka dalka taasi oo ah wax mar walba laga hadlo.

“Dalka Soomaaliyeed runtii waan ku celcelinaa midnimadu waa muqadas, wadajirku waa sidan laakiin shaqo ku wajahan arrintaasi oo ah sidii dadka la isugu soo dhaweyn lahaa aad uma muuqato, bal ee waxaa muuqata dadka Soomaaliyeed sidii loo kala irdheyn lahaa ayaa aad u muuqaneysa,” ayuu intaa ku daray.

Madaxwayne Deni ayaa xusay in maamulkiisu uu ka shaqeyn doono sidii loo sii xoojin lahaa midnimada Puntland islamarkana looga shaqeyn lahaa danta guud ee dalka.

“Puntland waxaa Alle haddii uu idmo ballan u ah, ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku daree la yiriyee in midnimada iyo wadajirka Puntland la adkeeyo oo hadafka kowaad noqdo, sidii caadada u ahayd dowladda Puntland baadigoobka dowladda Soomaaliyeed inaysan ka daalin,” ayuu yiri madaxwayne Deni.

Hadalka madaxwaynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli xalay magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyay shirka wadatashiga qaran.

Warmurtiyeedkii xalay ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in intii u shirka socday la faaqiday arrimo badan oo ay ka mdi yihiin amniga, siyaasadda iyo shuruucda dalka.

Waxaa sidoo kale sida warmurtiyeedka lagu xusay ay golaha wadatashiga qaranka bogaadiyeen ansaxinta baarlamaanka federaalka ay ansixiyeen afar cutub oo dastuurka ka mid ah.

Intii uu shirka socday waxaa sidoo kale warbixinno laga dhageystay hogaamiyaha maamulka kumeelgaarka ee Khaatuma oo ka warbixiyay xaaladda deegaanadaasi.

Shirkan kama qeyb galin maamulka Puntland oo muddooyiinkii u dambeeyay uu khilaaf kala dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

madaxda golaha wadatashiga qaran

Hirgalinta heshiiska

Khubarada qaar ayaa ka digaya in uu hirgali waayo qodobada laga soo saaray shirka wadatashiga qaran.

Waxaa ku xusan warmurtiyeedka shalay soo baxay in la dardargaliyo dhaqangalinta heshiisyadii hore ay madashu u gaareen.

Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in warmurtiyeedka sida ka muuqta aan la hirgalin waxyaabihii horey loogu heshiiyay.

“Go’aanka laftirkiisa ka soo baxay markaad aragto qodob waxaa ku jira dhahaya waa in la meelmariyo go’aanadii horey loo gaaray ama heshiisyadii horey loo gaaray taas micnaheedu waxay tahay inay jiraan heshiisyo horey loo gaaray oo aan fulin,” ayuu yiri Mr Mukhtaar.

Mr Mukhtaar ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in madaxda ay badiyaan kulamadooda si xal looga gaaro arrimo badan oo wali taagan lana fuliyo waxyaabaha lagu heshiiyay.

“Waxaa ugu muhiimsan waxay tahay in kulankooda ay badiyaan midda labaad in wixii lagu heshiiyay la meelmariyo,” ayuu intaa ku daray.

Waxaa uu intaa ku daray in ay muhiim tahay in Puntland la raadiyo si ay go’aanada qeyb uga noqdaan.

“Waa in laga shaqeeyaa sidii Puntland qeyb kaga noqon lahayd go’aamada masiiriga ah ee dalka looga gaarayo arrimahaasi ayaa u muhiimsan”

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    *