16th September 2024  admin  Category :

Garoowe : 18, May 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka DPL mudane Siciid Jamac Qorsheel, qaar kamid ah golaha xukuumada, xildhibaano iskugu jira DF Soomaaliya iyo Puntland, madax kale iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Mohamed Abshir ku soo dhaweeyay Suldaan Guud ee Beelaha Harti Xurmadle Suldaan Siciid Suldan Abdisalaan Garaad Maxamud Cali Shire.

Soodhawaynta kadib wasiirka ayaa hadal kooban ka jeediyay qaybta nasashada VIP ayaa yiri:-

“ Suldaan ku soo dhawaw dhulkaagii oo aad mudo kooban safar uga maqnayd, dhamaan dalku waa nabad roobab ayaa ka da’ay, waxaan isku waraysan doonaa fadhi insha allah.”

Suldaan Siciid Suldaan Abdisalaan ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay waxaana uu yiri:-

“ Waxaan ka mahadcelinayaa wasiirada, xildhibaanada, qaybaha kala duwan ee bulshada maanta ku soo dhaweeyay garoonka Gen. Mohamed Abshir waxaana uu sheegay in uu joogi doono isna waraysan doonaan bulshada qaybaheeda kala duwan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*