11th October 2024  admin  Category :

Soomaaliya oo xarunta IMF-ta ku soo bandhigay qorshaha deyn cafinta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo weftigii la socday oo kulan la qaaday madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristanila Georgieva ayaa ka wadahadlay qodobo ay ka mid yihiin horumarka ay Soomaaliya ka samaysay xaqiijinta dib u habaynta nidaamka maaliyadda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ku soo bandhigay xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, qorshaha dawladda Soomaaliya ee ku aaddan deyn cafinta, koboca dhaqaalaha iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samatabixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirgeliyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee dalkeenna.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka madaxtooyada.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in IMF ay ka go’an tahay inay la shaqayso Soomaaliya.

“Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar shaqo ku jooga caasimadda Washington DC, isaga oo kulamo kala duwan la leh, madaxda dawladda Maraykanka, kuwa hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaasha kale ee arrimaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*