19th September 2024  admin  Category :

Soomaaliya oo wax u dhoofineysa Mareykanka

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka fursadda u heysta in ay ka faa’iideystaan xeer uu Mareykanka u sameeyay waddamada ka hooseeya saxaraha, kaas oo dhammaan dalalkaas u fsaxaya in ay wax u dhofiyaan dalkiisa.

Mareykanka ayaa xoogga saaraya sare u qaadista xiriirka kala dhaxeeya Afrika, xilli Shiinaha iyo Ruushka ay dadaal badan geliyeen sidii ay galangal ugu yeelan lahaayeen qaaradda.

Si gaar ah Mareykanku waxa uu ganacsi u siiyay dalalka ka hooseeya saxaraha ee ay ku jirto Soomaaliya.

Dalka Kenya oo deris la ah Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada uu xiriirka ganacsi ee ugu sarreeya kala dhaxeeyo Mareykanka, waxa uuna si weyn uga faa’iideystay xeer lagu magacaabo AGOA oo loogu talogalay abuurista fursadaha kobcinta dhaqaalaha Afrika.

Bisha April ee sanadka 2024-ka ayey Kenya rajeyneysaa in lasoo afjaro wadahadallo kala dhaxeeya Mareykanka oo la xiriira dhinaca ganacsiga iyo heshiis ku saabsan maalgelin u uku sameynayo Mareykanka, sida uu sheegay wasiirka ganacsiga, Moses Kuria.

Waddamadan saxaraha ka hooseeya ayaa loo oggolaanayaa in ay badeecooyin nooc walba leh u dhoofiyaan Mareykanka si ay sare ugu qaadaan dhaqaalahooda.

Washington ayaa dhawaan arrintaas u qaadday tallaabo xoog leh ka dib markii ay Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris booqasho ku martay dhowr dal oo ka tirsan Afrika.

Kamala Harris

Intii ay Harris Afrika joogtay isbuucii lasoo dhaafay waxa ay hoosta ka xariiqday sida ay dowladdeeda uga go’an tahay in ay meel sare gaarsiiso xiriirka kala dhaxeeya qaaradda.

Muxuu yahay Agoa?

Dalalka saxaraha ka hooseeya oo ka kooban 49 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto ayuu xeerkan u fasaxayaa in ay si toos ah wax ugu dhoofiyaan Mareykanka.

Xeerka AGOA waxaa markii ugu horreysay la abuuray sanadkii 2000. 18-kii bishii May ee sanadkaas ayuu ansixiyay Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka, markaas oo laga dhigay xeerka dowladda ee 106-aad.

Markii ugu horreysay waxa uu ahaa xeer loogu talo galay muddo 8 sano ah oo ku ekeyd sanadkii 2008, hase yeeshee dhowr jeer ayaa lagu sameeyay cusbooneysiin soo martay marxalado kala duwan.

Mid ka mid ah ujeeddooyinkii ugu waaweynaa ee loo aasaasay waxay ahayd in Mareykanka loo furo waddo loogu dhoofiyo dunta dharka laga sameeyo ee ay qaniga ku yihiin dalalka ka hooseeya saxaraha.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ka faa'iideystay xeerka AGOA
Qoraalka sawirka,Kenya ayaa ka mid ah dalalka ka faa’iideystay xeerka AGOA

Sida uu qabo heshiiskan, Mareykanka ayaa badeecooyinkiisa u soo dhoofin kara dalalka saxaraha ka hooseeya.

Waxyaabaha uu Mareykanka gobolkan u soo dhoofiyo waxaa ka mid ah qalabka korontada ku shaqeeya, gawaarida, diyaaradaha iyo macdanta.

Waxa uu xeerkan oo dib loo cusbooneysiiyay waqtigiisa dhacayaa marka la gaaro sanadka 2025-ka.

Loollanka loogu jiro saaxiibtinnimada Afrika

Reer galbeedka, Ruushka iyo Shiinaha ayaa u muuqda in dhammaandood ay isku garbinayaan sidii midba kan kale uu uga badsan lahaa kalsoonida ugu weyn ee waddamada Afrika.

“Dagaalki qaboobaa marki uu dhammaaday kaddib Mareykanka oo saameyn dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid milatariba ku lahayd waxaa tartan adag oo danahi qaaradda ay ku lahayd ka hor istaagi karo kula jira Shiinaha iyo Ruushka,” ayuu yiri Sayid Cabduraxmaan oo falanqeeya arrimaha ganacsiga iyo xiriirka dalalka.

Gaar ahaanna dhowr iyo tobanki sano ee ugu dambeeyey dalka Shiinaha oo dhanka Milatariga, Amniga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Afrika sida weyn uga muuqato waxay walaac xooggan ku abuurtay dalka Mareykanka.

“Shiinaha xiriirka uu la leeyahay waddamada qaaradda Afrika wuxuu xoogga ku saaray dhanka dhaqaalaha balse mustaqbalka inuu dhanka militariga uu u baddalana waa lagama maarmaan taasoo Mareykanka uu si weyn uu uga baqayo,” ayuu yiri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*