7th January 2025  admin  Category :

Soomaaliya oo sheegtay in la xalliyey “arrintii kala dhaxaysay Itoobiya” ayadoo wafdi Itoobiyaan ah ay tageen Muqdisho

Wafdi ka socda dawladda Itoobiya oo ay hogaaminayso wasiirka gaashaandhigga ayaa booqasho ku tegey magaalada Muqdisho, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyeen Saraakiil sare, waxaana safarkooda lagu sheegay inuu yahay kii ugu horreeyey ee kulan laba geesood ah oo ay labada dal yeeshaan, tan iyo markii uu gaabiska ku yimid xiriirka labada dal, markaasoo laga joogo sannad markii Itoobiya ay Somaliland la saxiixatay.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Maxamed (Cali Balcad) ayaa farriin qoraaleed ugu xaqiijiyey wakaaladda wararka Reuters booqashada wasiirka difaaca ee Itoobiya Caa’isha Maxamed Muuse, laakinse kama uusan hadlin waxa ay halkaa u tagtay ee ay kala hadlayso.

Afhayeenka xukuumadda Itoobiya ayaan isna ka hadlin mar ay Reuters isku dayday inay jawaab ka hesho.

Hase yeeshee warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa baraha bulshada ku baahisay fiidiyow uu ka muuqday wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in “arrinkii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya laga heshiiyey”.

Wasiir Fiqi

“Dulqaadka Soomaaliya ayaa lagu xalliyey ayaan dhihi karnaa arrintii nagala dhaxaysay Itoobiya. Waxaa lagu xalliyey xigmadda Soomaalida, waayo dadka shaatigooda lagu qabsaday oo kallarka lagu dhegey, oo cunaha la qabtay annaga ayaan ahayn. Dadka dhulkoodii lagu qabsaday oo baddoodii lagu qabsaday annaga ayaan ahayn, xigmad baana looga gudbay. Taasi waxay ka markhaati kacaysaa bisaylka” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

Inkastoo uu wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu sheegay in Soomaaliya dulqaadkeeda dartii lagu xalliyey, weli dhanka Itoobiya kama aysan hadlin.

“Waxaa nalagu eedeeyaa in aan gaarnay go’aan ah in aynaan la fariisan Itoobiya. Haddaan lala fariisan miyaa guusha hadda la keenay la keeni lahaa. Diblomaasiyadda ‘waa diiday’ kuma jirto” ayuu sii raaciyey wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Hadalkaas oo ay baahisay warbaahinta dawladda laguma sheegin halka uu ka jeediyey, iyo sidoo kale sida iyo waxa lagu xalliyey khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya ee muddada sannadka ah taagnaa.

Khilaafka ayaa salka ku haya heshiis is fahan oo 1dii Janaayo ee sannadkii hore ay wada saxiixdeen madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi yio Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasoo Itoobiya ay ku helaysay marin badeed, deked, iyo saldhig ciidan, halka ay Somaliland-na ku helaysay aqoonsi ay muddo dheer raadinaysay.

Heshiiskaas ayaa sabab u noqday inuu dhaawac soo gaaro xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sii xumaaday in yar ka dib, ayadoo madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galayey shirkii madaxda midowga Afrika ee bishii xigtay ka dhacay Addis Ababa uu degdeg ugu laabtay Muqdisho, ka dib ismaandhaaf soo kala dhex galay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiisha amniga ee Itoobiya.

Ciidanka Itoobiya ee hawlgalkii AMISOM

Ka xumaanshaha Soomaaliya ee heshiiska marka laga yimaado, Itoobiya ayaa dhankeeda waxay dareen ka qaadday heshiisyo dhowr ah oo u badan kuwo amni iyo difaac oo ay Soomaaliya la gashay dhowr dal oo carab iyo Afrikaan isugu jiray, waxaase Itoobiya indhaheeda iyo dareenkeeda soo jiitay heshiis ay Soomaaliya si gaar ah ula gashay Masar.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in Masar ay Soomaaliya ka taageerto dhanka amniga iyo dhismaha ciidanka. Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf salka ku haya sida loo wadaagayo biyaha wabiga Niil, kaasoo aan xal loo helin.

Waxaa kale oo heshiisyada ay Itoobiya shakiga ka qabto ka mid ah isbahaysi dhex maray sannadkii hore Masar, Soomaaliya iyo Eritrea, ayadoo sedexdaas waddan iyo Itoobiya uusan ka dhaxayn xiriir wanaagsan.

Xiriirka xumaaday ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa keenay in Itoobiya aysan hadda ka mid ahayn dalalka qaybta ka ah hawlgalka cusub ee midowga Afrika ee AUSSOM.

Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters sheegayso, Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 10,000 oo askari oo dagaal kula jira Al Shabaab, waxayna ku joogaan ka qayb galka hawlgalkii ATMIS, iyo heshiis laba geesood ah.

Labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaaliya weli lagama hayo wax faahfaahin ah oo ku saabsan booqashada wafdiga Itoobiyaanka iyo waxa lagu heshiiyey. BBC oo isku dayday inay arrintan wax ka weydiiso madaxda dawladda Soomaaliya ayeysan u suurto galin.

Bishii Disembar ayey madaxda labada dal, Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya kulan looga hadlayey khilaafka labada dal dhex yaalla ku yeesheen caasimadda Turkiga ee Ankara, ayadoo u ka soo shaqeeyey kulankaas madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan, waxaana lagu ballamay in khilaafka lagu soo afjaro muddo afar bilood ah. Booqashada wafdiga ka socday Itoobiya ayaa lala xiriirinayaa inay daba socoto baaqii Ankara, ayadoo wafdi Soomaaliya ka socdana ay hore u tageen Addis Ababa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*