20th September 2024  admin  Category :

Dawladda Qatar ayaa sheegtay in ay siineeyso Dawladda Federaalka ee Soomaaliya lacag dhan 20 milyan oo doolar taas oo loogu tallagalay in lagu kabo miisaaniyadda sanadkan 2019ka. Hadaba, lacagtaas ma tahay mid wax ka tareeysa baahida weeyn ee ka jirta dalka Soomaaliya? Maxaa sababa inaan Soomaaliya loo hagar bixin?

Tan koowaad, lacataas labaatanka milyan ah ma’ahan mid wax ka tareeysa baahida ay qabto dawladda federaalka ee Soomaaliya. Inta badan, dawladda Qatar iyo dawladaha kalle ee Khaliijka ayaa Soomaaliya siiya lacago aad u yar taas oo ah sadaqada shidaalka.

Sadaqada shidaalka in la siiyo Soomaaliya ayaa ugu wacan madaxda Soomaalida oo aan la tegin qorshayaal cad marka ay la kulmayaan madaxda Khaliijka, waxeeyna u sheegaan in dadka Soomaaliyeed aysan heeysan waxeey cunnaan ama cabbaan , dadka ineey la jiifaan cuduro isbitaalada iyo boqol wax oo kalle.

Marna lagama yaabo ineey ulla taggaan qorshayaal cad cad sida in laga taageero soo celinta amniga oo lacag badan u baahan iyo in albaabada loo furo xoolaha iyo Kalluunka oo ay Soomaaliya hodan ku tahay.

Qof walba oo madax ka noqda dalka Soomaaliya ayaa ah mid ka fakiraya waqtiga yar ee uu joogo xafiiska iyo sidii uu helli lahaa xooggaa lacag ah oo uu horey u sii qaato, taasina waa sababta ay u door bidaan dalalka Khaliija ineey soo siiyaan xoogaa yar oo lacag ah taas oo ah sadaqada shidaalka.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*