29th March 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya ayaa garab istaag buuxa u muujisay dowladda Shiinaha madax bannaanideeda siyaasadeed iyo mid dhuleed, waxayna ku baaqday in loo hoggaansamo qaraaradii QM iyo Midowga Afrika.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku celineysa taageeradeeda xooggan ee ku aadan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, sharafta dhuleed iyo midniamda qaran ee Shiinaha, waxayna ku baaqeysaa in loo hoggaansamo qaraarada QM iyo Midowga Afrika ee quseeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Xiisadda u dhaxeysa Shiinaha iyo Mareykanka ayaa cirka isku shareertay markii Shiinaha ka caroodeen booqashadii Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ku tagtay Taiwan. Sidoo kale Shiinaha ayaa dhoolatus milateri ka wada marin biyoodka Taiwan.

Si kastaba ha ahaatee , Jimcihii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa cambaareysay booqashada Pelosi kuna qeexday “ficil xun oo daan-daansi ah,” waxayna sheegtay in safarkeeda uu ka dhigan yahay “Faro-gelin toos ah oo lagu sameeyey arrimaha gudaha Shiinaha.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*