19th September 2024  admin  Category :

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxeexday heshiisyo dhinaca difaaca iyo amniga ah

Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax al Siisi ayaa caasimadda dalka Masar ee Qaahira ku qaabilay wefti ka socda dawladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda Soomaaliya iyo kuwa dalka Masar ayaa yeeshay kulamo kala duwan oo ay labada dhinac kaga wada xaajoonayaan sidii ay u gaadhi lahaayeen heshiisyo muhiim ah oo taabanaya dhinaca iskaashiga difaaca iyo amniga labada dal.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay dawladda Soomaaliya, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya iyo Masar oo heshiisyo kala saxeexday
Soomaaliya iyo Masar oo heshiisyo kala saxeexday

Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.

Labada hoggaamiye ayaa kulanka ka dib waxay qabteen shir jaraa’id oo wada jir ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*