7th January 2025 admin Category :
SOOMAALIYA: 12,626 oo Askari oo ay ku jiraan 1,040 Booliis ah ayaa la keenayaa
Golaha Ammaanka QM ayaa ansixiyay Qaraarka 2719 oo fasaxaya in hawkgalka #USSOM ay ka hawlgalaan Soomaaliya sannadka 2025.
Waxaa Qaraarka soo diyaariyay UK oo ah dowladda heysa galka Soomaaliya. Danjiraha UK ayaa sheegay in shir dhaqaale lagu raadinayo la qaban doono bisha May 2025.
Waxaa u codeeyay 14 xubnood (haa), ma jirin wax diiday, waxaa ka aamusay guddoonka shirkan oo ah Mareykanka. AUSSOM waxaa la siiyay 12 bilood oo hor dhac ah, waxaana waajibkooda lagu sheegay 2 arrimood: (1) xasilinta dalka iyo (2) gargaarka bani’aadannimo.
Shirka waxaa ka qeybgalaya wakiilada Itoobiya iyo Soomaaliya.
Ciidamada Itoobiya ayaa ka mid noqonaya ciidanka AUSSOM, hase ahaatee waxaa jira lacag la’aan daran.
Danjiraha #Malta oo magaca Midowga Yurub ku hadashay ayaa si adag u sheegtay inay tahay in culeyska dhaqaalaha ay tahay in la qeybsado, oo aysan Yurub kaliya dusha u ridan karin.
Midowga Afrika ayaa lagu riixay inay jeebka gacanta galiyaan, oo ay lacagta loogu baahan yahay hawlgalka wax ku soo daraan.
Afrikaanka waxaa magacooda ku hadlay Algeria oo sheegtay inay afrikaanka dib isugu laaban doonaan oo wax soo raadin doonaan.