28th March 2024  admin  Category :

Aadan Keynaan Wehliye oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee Kenya ayaa dhawaan markii saddexaad loo soo doortay xidhibaanka deegaanka Ceeldhaas ee galbeedka Wajeer.

Keynaan wuxuu sanado badan ku soo dhex jiray siyaasadda Kenya, wuxuuna kamid yahay siyaasiyiinta saameynta weyn ku leh siyaasadda Kenya.

Aadan Keynaan waxaa markii ugu horreysay laga soo doortay Galbeedka Wajeeer sanadlkii 1997-dii, markii dambena wuxuu xildhibaan ka noqday Celdhaas oo horey uga tirsaneyd Galbeedka Wajeer.

Sidaa darteed waxaa hadda lagu tilmaamay inuu yahay xildhibaanka ku jiray baarlamanaka muddadii ugu dheereyd marka loo eego xubnaha hadda ku jira baarlamaanka cusub.

“ Doorashadan waa tii lixaad oo aan u tartamay, waana tii shanaad oo aan ku guuleystay, waxaan hadda ka hor xildhibinaan ka ahaa Galbeedka Wajeer kadibna Ceeldhaas ayaan usoo gudbay oo aan xildhibaan ka ahaa 10-kii sano ee lasoo dhaafay, dadweynaha wey ku mahadsan yihiin kalsoonida ay i siiyeen” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Keynaan oo u warramayay BBC-da.

bbc

Keynaan ayaa noqday siyaasigii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Waqooyi Bari ee xisbi mucaarad ah kusoo gala baarlamaanka Kenya sanadkii 1997-dii.

 “Doorashadii ugu horreysay waxaan u tartamay sanadkii 1992 laakiin iima suurtagelin jaamacad ayaan ku jiray, waan isaga haray tartanka, laakiin waxaan si rasmi ah u tartamay 1997 oo aan ku guuleystay, waxaana ahaa ninkii ugu horreeyay ee gobolka Soomaalida oo xisbi mucaarad ah kusoo gala kaas oo la dhaha xisbiga Safina”

Keynaan wuxuu jaamacadda Moi ee magaalada Nairobi sanadkii 1994 ka qaatay waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda, wuxuu isla jaamacaddaas ka qaatay shahaadada laabad ka qaatay oo uu ku takhasusay maamulka dadweynaha.

 ‘Geedo badan ayaan magaalada ka beeray’

.

Keynaan wuxuu haatan ka tirsan yahay xisbiga Jubilee ee qeybta ka ah isbaheysiga uu hoggaamiyo Raila Odinga.

Ka hor siyaasadda wuxuu ahaa agaasimihii ikaashigii qaran ee guryeynta Kenya.

Wuxuu sanadkii 2008 ka tirsanaa guddigii baarlamaaniga ahaa ee arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga.

Sida uu sheegayo Aadan Keynaan wuxuu adeegyo kala duwan gaarsiiyay deegaannadii laga soo doortay.

bbc

 “Galbeedka Wajeer markii hore ma aysan qabin xitaa hal iskuul oo sare, waxaan ka dhisay ilaa soddomeeyo iskuul oo sare iyo 40 iskuulada hoose ah, isbitaallo ayaan dhisnay, biyo ayaan dadka gaarsiinay, jidad baan dhisnay, Ceeldhaas waxay kamid tahay meelaha ugu horumarka badan Kenya”

“Haddii aad maanta tegto Ceeldhaas waxaad ku arkeysaa, geedo kala duwan oo magaalada lagu beeray waxaan u maleyneysaa dhul keymo ah, 43-da tuulo ee ku taalla Ceeldhaas waan ku faraxsanahay inay leedahay iskuulo, biyo, isbitaallo iyo ay leedahay wax kasta oo magaalo loogu talagalay.”

Raila Odinga iyo Aadan Keynaan
Qoraalka sawirka,Raila Odinga iyo Aadan Keynaan

Xildhibaankii ugu muddada dheeraa baarlamaanka’

Xildhibaan Aadan Keynan ayaa lagu tilmaamaa xildhibaankii ugu muddada dheeraa baarlamaanka Kenya, wuxuu xildhibaan noqday markii ugu horreysay sanadkii 1997-kii, tan iyo xilliggaas muddo shan sano ayuu ka maqnaa baarlamaanka.

 Keynaan wuxuu BBC u sheegay in uu ku faraxsan yahay arrintaas balse waxa kaliya ah ee abaalgudka ahaan uu heli karo ay tahay ‘bilad sharafeed’ muujineyso xildhibaankii ugu muddada dheeraa baarlamaanka.

“Qofka marka uu noqdo xildhibaankii ugu muddada dheeraa, adduunka kale sida Yurub ama Mareykanka, qofka Sharaf weyn buu mudan yahay dhaqaale baa lagu siiyaa, shaqooyin badan baa loo diraa laakiin halkan waa Afrika waxaas ma jiraan, haddii maanta ay Mareykan ahaan laheyd guriga ayaan iska fariisan lahaa,  guriga ayuu la talin iigu imaan lahaa, boqolaal shirkadood ayaa shaqo weyn igu sharfi lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*