9th October 2024  admin  Category :

Soomaalida u tartameysa doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

Dalka Mareykanka waxaa maanta ka dhaceysaa doorashada xilliga dhexe oo la qabto labada sano ee ugu horreysay muddo xileedka madaxweynaha, waxaana doorashadan ka qeybgalayaa musharraxiin dhowr ah oo ay Soomaali ku jirto.

Doorashadan oo ay isku hayaan xisbiyada dimuqraadiga iyo Jamhuuriga waxaa ka qeybgalaya 11 qof oo Soomaali ah oo u tartamaya xilal kala duwan, inta badan waxa ka kala tartamayaan gobollada Maine, Minnesota, Ohio iyo Washington.

Waxaan halkan idin kugu soo koobeynaa qaar ka mid ah Soomaalida ka qeybgaleysa tartanka doorasahdan.

Ismaaciil Maxamed

Ismaaciil Maxamed
Qoraalka sawirka,Ismaaciil Maxamed

Ismaaciil Maxamed wuxuu kursiga degmada saddexaad ee gobolka Ohio. Waa nin da’ yar oo qareen ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

Ismaaciil iyo qoyskiisa waxay markii hore ka qaxeen Soomaaliya sanadihii 1990-meeyadii xilliggii dagaalladii sokeeye, waxay u qaxeen dhinaca Itoobiya kadibna waxay usoo tallaabeen xeryaha qaxootiga Kenya halkaasoo uu waxbarashadiisii asaasiga kusoo dhigtay.

Ismaaciil wuxuu ka baxay dugsiga sare ee Northland High School, wuxuu ka qalinjebiyay jaamacadda Ohio State University, wuxuu ku takhasusay cilmiga siyaasadda kadiba wuxuu bartay cilmiga sharciga.

Wuxuu sanadkii 2018 ka qeybgalay dooorashadii isreeb reebka aheyd ee degmada 25 aad ee Ohio balse kuma uusan soo bixin.

Ismaaciil wuxuu sheegay in haddii lasoo doorto uu ka shaqeyn doono sidii shacabka deegaankiisa ay ku heli lahaayeen waxbarasho tayo leh iyo ka shaqeynta arrimaha horumarka ee degmada.

Deeqa Dhalac

Deeqa Dhalac
Qoraalka sawirka,Deeqa Dhalac

Deeqa Dhalac oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa hadda ka hor loo doortay golaha deegaanka ee South Portland City ee dalka Mareykanka, waxay xilliggaas ka guuleysatay nin ganacsade caddaan ah oo caan ka ahaa deegaankaasi.

Gabadhan oo horay uga shaqeyn jirtay arrimaha bulshada ayaa xilliggaas noqoneysa qofkii ugu horreeyay oo Muslim ah oo deegaankaasi laga doortay.

Deeqa ayaa waxa ay daganayd magaalada South Portland muddo 10 sano ah, waxa ayna ka soo qabatay barnaamijyo kala duwan sida qaybta xanaanada carruurta, qaybta guryaha ee magaalada iyo barnaamijyo caafimaad.

Deeqa Dhalac waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay oo mayar ka noqotay magaalada South Portland ee gobolka Maine, haatan waxay u tartameysa golaha hoose ee Maine.

Maana Cabdi

Maana Cabdi
Qoraalka sawirka,Maana Cabdi

Maana Cabdi oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga , waxay kamid tahay Soomaalida u tartameysa doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka, waxay u tartameysa degmada Lewiston kursiga 95-aad ee gobolka Maine.

Waxay timid Mareykanka iyadoo yar, waxay ka qalinjebisay jaamacadda Maine, kaligeed ayaa ku tartameysaa maadama musharraxii ka socday xisbiga jamhuuriga uu ka haray tartanka xilli la sheegay in baraha bulshada uu soo dhigay qoraal uu ku sheegay in Muslimiinta xilka ma qaban karaan.

“Waxa dabada iga riixaya ayaa ah in aan arko qof kasta oo ku nool halkan oo horumar gaaray, in aan u tartanno xil waxay muujineysaa in aan halkan joogno si aan horumarka uga qeybqaadanno” ayay tiri Maana Cabdi oo u warramaeysay wakaaladda wararka ee AP.

Muniira Cabdullaahi

Muniira Cabdullaahi
Qoraalka sawirka,Muniira Cabdullaahi

Muniira Cabdullaahi waxay ka tirsan tahay xisbiga dimuqraadiga, waxay u tartameysa degmada 9-aad ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Waxay kusoo barbaartay magaalada Columbus, waxay cilmiga siyaasadda ka baratay jaamacadda Ohio, waxay muddo 10 sano ah kusoo dhex jirtay ka shaqeynta adeegyada bulshada.

“Waxaan u tartamay xil sababtoo ah waxaan arkay sida bulshada ay ugu baahan tahay hoggaamiyeyaal fahmi kara dhibaatooyinka ay maalin kasta wajahayaan bulshada” ayay tiri Muniira sida ay ku qortay bog ay iyadu leedahay.

Ilhaan Cumar

Ilhan Omar

Ka dib markii ay ku guuleysatay doorashadii is ree-reebka ee xisbigeeda, Ilhaan Cumar waxay doorashada berri oo Talaalado ah dhacaysa kula tartami doontaa haweeney iyadana Madow ah oo la yirahdo Cicely Davis oo ka socota xisbiga Republican-ka.

Ilhaan ayaa markii ay soo galaysay Aqalka waxa ay maalintaas ku soo labisatay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, sida caadada u ahaydna madaxeedu wuu dadnaa oo way xijaabnayd.

Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.

Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*