19th October 2024  admin  Category :

Jabhad SNM ah oo loo magcaabay wasiirkii Dastuurka Soomaaliya.

Mohmoud Cabdilahi jamac sifir, Maxamed C/llaahi Oomaar iyo smail Mahmud Hurre ‘Buubaa, dhamaantood waxay ka soo jeedaan beesa Isaaq, waxayna dawladda Soomaaliya ka soo  qabteen xilalka ugu sareeya sida ra’isulwasaare ku xigeen iyo Wasiiro arimo dibadeed. Dhamaantood markii xilka laga qaaday waxay ka soo hor jeesteen dawladdii Soomaaliya waxayna xilal ka qabteen Maamulka Somaliland ee beelaha Isaaq ku midaysan yihiin oo doonaya inau Soomaali inteeda kale ka go’aan.

Beelaha Soomaaliyeed ayaa  xilalka sare sida Wasiiradda, Safiiradda, ha’yadaha madaxa banaan waxay ku qaybsadaan 4.5. Laakiinse marka ay timaado beesha Daarood lama tix geliyo.

Safiirkii hore ee Somaliya ee dalka Kenya markii uu xilka ka tegay waxa loo magcaabay Hawiye.

Gudoomiyihii hore ee bangiga dhexe, markii xilka laga qaaday waxa loo magcaabay Isaaq

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya  markii xilka laga qaaday waxa loo magcaabay Hawiye

Wasiirkii Dastuusrka Soomaaliya markii uu geeriyooday  Waxa loo magcaabay Isaaq. Dhamaan xilalakan ayaa waxa horay u hayey Beesha Daarood.

1.Xisaabiya Guud Hawiye

2.Maxkamadda Sare Isaaq

3.Hantdhawrka Hawiye

4.Bangiga Dhexe Isaaq

5.Bangiga horumarinta Hawiye

6.Garyaqaanka Guud Hawiye

7.Xeer Ilaaliyaha Guud Dir

Tusaale hadaan u soo qaadano  xilkii ugu danbeeyey ee Beesha Warsangeli ee Daarood loo magcaabay oo maanta inta ciidan la dul keenay lagu khahsbayo inay Soomaaliya inteeda   ka go’aan waxa ugu danbaysay maalintii la  magcaabay golaha wasiirada Soomaaliya . Halka maalin walba la magcaabayo Jabhad SNM oo markuu baarlamaanka fadhiyo iyo marka golaha wasiirada fadhiyoba u doodaya maamulka guracan oo Soomaaliya diidka ah ee SNM. Markii shaqada laga qaado ama ka tagana sidii SIFIR, BUUBAA IY OOMAAR u guuraya  Hargaysa. oo halkaa ka bilaabaya  canbaaraynta Soomaali inteeda kale.

Ugu danbayntii waxa waxa laga xumaado ah in siyaasada Isir   nacaybka ku salaysan ee beelaha Isaaq ka wadaan geeska Afrika, sidii shirkii Addis ababa ee Dir  ay intooda u badan u adeegsanayaan “Xaafadaha” sida xaafadda Raisul wasaaraha Soomaaliya, madaxweynaha maamulka Soomaalida Itoobiya iyo Xildhibaan Dalxa. Marka xaafadaha laga yimaado ayaa madaxweynaha Soomaaliya waxa loo isticmaalayaa sida Tool oo Tiinbaraha ugu danbeeya looga dhufsanayaa

 

https://allsanaag.com/irir-samaale-farmaajo-ayeey-ka-heleen-waxay-rabeen/

https://allsanaag.com/beelaha-dir-oo-diidan-aqalka-sare-iyo-daarood-oo-doonaya/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*