29th March 2024  admin  Category :

Ra’isul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya oo la kulmay Faysal Cali Waraabe .

Fashilkii siyaasadeed ee ku dhacay siyaasiyiinta Majeerteen ee ahaa inay ku guul daraystaan hogaanka sare ee Soomaaliya, iyagoo Jaran jaro ka dhiganaya maamulka Puntland, ayaa in badan oo ka mid ah Soomaalida waxay sugayeen halka ay u jihayn doonaan siyaasaddooda, mar haddii beelaha Koonfureed ay cunaqabatayn ku soo rogeen.

In badan oo Soomaalida ka mid ah ayaa maanta indhaha ku kala qaaday sawir laga soo qaaday Kulan Ay magaalada Nairobi ku wada yeesheen Labo Raisul wasaare ee Soomaaliya Soo maray, isla markaana mid ka mid ahi uu soo noqday Madaxweynaha maamulka Puntland iyo hogaamiyaha beelaha Garxejis , ee aadka ugu ololeeya in Dhulbahante iyo Warsangeli ay ka guuraan degaanadooda oo beesha Isaaq dhulku u harayo

Kulanka ay Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ay la kulmeen Faysal Waraabe ayaa gef iyo dhabarka oo laga toogtay ku ah beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante ee reer Puntland ee dhiigooda u daadinaya midnimada iyo wada jirka Puntland Puntland

Labada Beelood ayaa qofka ka soo jeeda beelahooda oo la shaqaysta maamulka uu Faysal Cali Waraabe ee Somaliland canbaareeya mararka qaarkoodna dhiig ayaaba ku daata si looga difaaco maamulka Puntland.

Edeb daradan iyo jees jeeskan ay ku kaceen labadan siyaasi ee Majeerteen waxay soo celinaysaa xasuustii xasuuqii laga gaystay Buuraha Calmadow, xilligii ay labadan nin madaxda ka ahaayeen Soomaaliya , Xasuuqaas oo garab ka helayey Maamulka Faysal Cali Waraabe,

Cumar Cabdirashii dagaalkii Jufooyinka beeshiisa Cismaan Maxamuud ee Bah dir iyo Bah Dhulbahante, xanaaqii uu ka qaaday Deni iyo Bah Dhulbahante ilaa hadda ma hor fariisan Deni.

Allah ha u bxariistee Qaadi Mire Muuse Cali, oo ka soo jeeda beesha Warsangeli isaga oo midnimada Soomaaliya difaacaya, sharafta beesha Dhulbahante Difaacaya, kula dagaalamaya magaalada Tukaraq maleeshiyaadka Faysal cali Waraabe ayuu geeriyooday. Maalintaas Gaas ayaa madaxweyne ka ahaa Puntland, hal talaabo ma qaadin.

Ugu danbayntii sidaad la socotaan dhowaan Qurba joogta, aqoonyahanada iyo waxgaradka Beesha Warsabgeli si isku mid ah waxay uga soo wada hor jeesteen oo fashiliyeen qorshe la doonayey in Puntland lagu kala qaybiyo, oo ay balan qaadyo wadeen hogaanka Beesha Isaaq ee Habar awal.

Sidaas awgeed Isimada Majeerteen waxgaradkooda waxa laga sugayaa inay arintan ka hadlaan oo ay canbaareeyaan. raalina ka bixiyaan kuwooda liita ee garabka siinaya cadowga Puntland, reer Puntland kala qaybinaya.

ALLSANAAG.COM

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*