10th October 2024  admin  Category :

Shaqaalaha Isaaqland ee ka soo jeeda Beelaha Harti, aakhirka la mid ayeey noqdaan inay u dhintaan in Gaar la jiirsiiyo ama in la sumeeyo.

Shaqaalaha ka soo jeeda beelaha Harti ee u shaqeeya maamulka Isaaqland, aakhirka labo mid ayeey u dhintaan 1- In la sumeeyo oo la yiraahdo waa lagu soo booday oo uu sidaas ku dhinto iyo In gaadhi la jiirsiiyo oo la yiraahdo shil ayuu ku dhintay. Labada midna baaritaan laguma sameeyo.

Allah ha u naxariistee Siyaasigii ugu danbeeyey ee ka soo jeeda beelaha Harti ee gaadhi la jiirsiiyo, wuxuu ahaa Fuaad Aadan Cade oo ku magcawnaa la taliyaha madaxweynaha ee arimaha gobolada Bari.

Gaadhi ayaa lagu dhex jiirsiiyey Guriga madaxtooyada maamulka Isaaqland ama sida intiina badani aad u taqaaniin “Guriga Morgan“. In badan ayuu dhaawacii ku soo gaaray Guriga Morgan uu la jiifay, oo siddii horay u dhici jirtay ay maamulka Isaaqland dhabarka u jeediyeen.

Markii danbe beesha Dhulbahante ayaa dalka dibadiisa u qaaday. Wuxuuna ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala dalka Turkiga.

Maanta, mar kale ayaa Hargaysa dhexdeeda gaadhi waxa lagu jiirsiiyey Siciid Faarax Gacmay, oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli, oo horay u noqday Gudoomiyaha maxkamadda sare ee maamulka Isaaqland.

Gudoomiyaha ayaa ahaa ninkii ku dhawaaqay in Riyaale oo ka soo jeeda Beesha Gudabiirsay uu ku guulaystay Hogaanka maamulka ISAAQLAND. Taasina waxay kaga caraysiisay xag jirka SNM oo aan weligood ilaawin ku dhawaqistii beesha Gudabiirsay inay Somaliland hogaamiyaan.

May be an image of 3 people and text

Ugu danbayntii Wasiirkii hore arimaha dibadda ee maamulkaas ee ka soo jeeday beesha Dhulbahante, markii uu ku dhintay dalka Faransiiska, maamulkaasi waxay sheegeen inaanay hayn lacag lagu soo qaado oo tolkiis ayaa u qaaraamay. Cali Sandule Tolkiis ayaa u qaaraamay. Inta ay caafimaadka qabaan ayaa la isticmaalaa oo dadkooda iyo degaankooda loo adeegsadaa.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*