22nd December 2024 admin Category :
Hawiye, Daarood iyo Isaaq ayaa intaba waxeey leeyihiin sifooyin ay ku sifeeysan yihiin taasoo qof kasta uu horey arkay, hadeerna qofka aan horey u arag uu arki karo.
Daarood: Beesha Daarood ma ay kala yaqaanaan cadawgooda iyo saaxiibkood. Inta badan hadii aad u fiirsato waxeey ku hoos naban yihiin dadka aadka u neceb. Tusaale, hada ka hor markii jabhadaha laga soo abuurayey dalka Itoobiya, ayaa Itoobiya beelihii tagey waxaa ka mid ahaa beesha Isaaq, marka qolyo ka mid ah Daaroodka ayaa waxeey u tageen Siilaanyo, waxeey ku yiraahdeen waxaan rabnaa inaan idinku soo biirno oo aan SNM ka mid noqono, balse waxa loogu jawaabay naga raali ahaada maadaama aan beeshiina Daarood aan dagaal kula jirno.
Markii USC ay shacabka Daarood ku xasuuqayeen magaalada Muqdisho, waxaa jiray shaqsiyaad Daarood ah oo la socday USCda, waxaa kaloo jiray shaqsiyaad iyaguna ka raadinayey dano siyaasadeed magaalada Muqdisho oo aan ogeeyn wixii ka dhacay.
Maanta kuwo ayaa waxeey joogaan magaalada Hargeeysa oo lagu bahdilyaa, lagu hor ceeynayaa dadkooda, lagu dilayaa hortooda. Hadaba, is weeydiinta waxeey tahay qof ku neceb oo qabiilka aad tahay dartiis kuu neceb, waa maxay wanaaga meeshaas laga raadinayo. Sidaas darteed, Daarood ma kala yaqaanaan cadawgooda iyo saaxiibkood.
Hawiye: Hadii aad u fiirsato beesha Hawiye, ma kalla yaqaannaan faa’iidada iyo qasaaraha. Tusaale, markii ay Muqdisho sida xun u burburtay, dariiqyadii la dhigtay isbaarooyinka, amni xummo ay ka jirtay magaalada ayaa beesha Hawiye waxeey lahaayeen aryaa saanaan dawlad ku nahee. Marka ma kala yaqaanaan markii dawladda ay dalka ka dhisneeyd gaar ahaan magaalada Muqdisho sidii ay aheeyd iyo burburka markii ay gashay sida ay noqotay farqiga u dhaxeeya.
Maalintii dhaweeyd oo ay Xasan Shiikh iyo kooxdiisa ay ciidanka soo urursanayeen, waxeey rabbeen in magaalada Muqdisho la burburiyo oo lagu kalla qaxo, isama weeydiin hadii magaalada lagu kalla qaxo yaad maamuleeysaan? Hadii magaalada lagu kala qaxo, yaa muufada iyo maraqa ay ka daadanayaan? Imisa qof ayaa dhiman karta hadii dagaal la rido? Imisa qof oo maanta nolol maalmeedkooda iska baacsada oo masaakiin ah ayaa qaxooti noqon doona? Hadii maanta caasimadii la burburiyo, dawladnimada Soomaaliya maxeey noqon doontaa?
Waxaa maanta jira shaqsiyaad magaalada Muqdisho ka dhisanayo dabaqyo oo hadana doonaya in magaalada ay burburto. Marka Hawiye faa’iido iyo qasaaraha farqiga u dhaxeeya ma kalla yaqaanaan.
Beesha Isaaq ineey waalan yihiin iyo ineey miyir qabaan lama kala garanayo. Subax ayeey soo kacayaan markaas ayeey oranyaan waxaan nahay dawlad madaxbannaan oo la mid ah Indooniishiya iyo Brazil. Subaxda danbe ayeey soo toosayaan markaas ayeey iska oranayaan aqoonsigii waa in meel kasta laga raadiyaa. Soo adigii shalay lahaa dawlad madaxbannaan baan ahay? Maalinta danbe ayeey soo kacayaan markaas ayeey oranayaan dalka Burkino Faso ayaa na ictiraafay.
Waxeey ku oranayaan dawlad dhan baan ka adkaaney oo cagta marinay, hadana maalinta danbe ayaad arkeeysaa qofkiis shalay sidaa lahaa oo qabuurayaasha lafaha ka soo guranaya oo leh waa la i xasuuqay. Marka xageey iska waafaqayaan dawlad baan ka adkaanay iyo qabuurahaan lafaha ka soo fageenaa? Shalay waxaad laheed ma xasuusataa? Illeen qof dawlad ka adkaaday qabuurayaasha kuma ag wareegee.
Maalinta danbe ayeey ku oranayaan wiilka Itoobiyaanka ah ayaa i xiga oo iga xiga midka Soomaaliga ah. Maalinta danbe ayeey ku oranayaan Soomaalida waa wallaalaheen. Soo adigii shalay lahaa wiilka Itoobiyaanka ayaa wallaalkeey ah?