24th October 2024  admin  Category :

Sidee wax uga dhaceen Turkiga, yaase loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan weerarka?

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay xarun ay leedahay shirkad duulimaad oo ku dhow caasimadda Turkiga ee Ankara, sida ay masuuliyiintu xaqiijiyeen.

Wasiirka arrimaha gudaha Ali Yerlikaaya ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato, isla markaana labada qof ee weerarka soo qaaday oo kala ahaa “Naag iyo nin la toogtay”.

Sawiradii ugu horeeyay ee uu soo bandhigay kanaalka NTV ayaa ahaa qiiq aad u badan oo ka hor taluumayay albaabka laga galo warshadaha duulimaadyada sare ee Turkiga ee loo soo gaabiyo magaceeda (TAI), oo ku taalla meel 40km ka baxsan caasimada.

Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambeysay weerarka, mana jirto koox sheegatay inay fulisay.

Sidoo kale ma cadda tirada dadka ku lugta leh weerarka iyo haddii ay jiraan dad kale oo la tuhunsan yahay in gacanta lagu soo dhigi doono.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in qaraxa uu dhacay xilli isbadal galimada shaada ah uu dhacayay, shaqaalahuna ay u jihaysan lahayeen guryahooda.

Warbaahinada qaar ayaa qaaday sawir muujinaya qof loo maleynayo in weerarka qayb ka yahay oo ka kor talaabsanaya biro xarunta gudaheeda ah oo loo dhigay in aysan ka gudban qof aan loo ogolayn, kadibna uu sii galayo dhismaha isaga oo qori sita

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan – oo ku sugan dalka Ruushka oo uu kaga qayb galayo shir madaxeedka Brics – ayaa ka hadlay weerarka.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkan argagaxiso ee foosha xun, waxaana u rajeeynayaa naxariista Alle kuwii ku shahiiday,” ayuu yiri mar uu la kulmayay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, hadalkiisuna si toos ah uga baxayay TV-ga.

Kadib waxa uu soo dhigay qoraal dheer barta uu ku leeyahay X, isaga oo sheegay in ciidamada ammaanku ay si deg deg ah uga hawlgaleen dhacadada islamarkaana baabi’in khatarta, iyo in “Urur argagixisa ah, iyo shaydaan walba oo amnigeena beegsanaya uusan awoodaan inay gaaro hadafkiisa”.

Duqa magaalada Ankara Mansur Yavas ayaa bayaan uu soo saaray maanta oo Arbaco ah ku sheegay in uu aad uga xun yahay warkan.

“Waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo dadkii naga shahiiday, dhaawacana caafimaad degdeg ah siiyo. Waanu cambaaraynaynaa argagixisada. waan tacsiyeynayaa.”

Wasiirka cadaalada Yilmaz Tunc ayaa uga dhawaaqay barta X in Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Ankara uu bilaabay “baaritaan garsoor” oo la xiriira dhacdada.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa soo rogay xayiraad dhanka warbaahinta ah oo ku saabsan faahfaahinta weerarka, waxaana dad badan oo isticmaala baraha bulshada oo ku sugan qeybo badan oo ka mid ah dalkaasi ay sheegeen inaysan isticmaali karin baraha bulshada sida YouTube, Instagram, Facebook iyo X.

TAI waxay kaalin muhiim u uga jirtaa warshadaha hawada sare ee Turkiga, ee ka shaqeeya naqshadeynta, horumarinta iyo soo saarista diyaarado kala duwan oo ganacsi iyo militariba ah.

.

Yaa ka dambeyn kara weerarkaan?

Taariikh ahaan, dhacdooyinkaan oo kale waxaa inta badan lagu eedeeyaa gooni u goosadka Kurdiyiinta, kuwaas oo xerooyinkooda waqooyiga Suuriya iyo meelo kale oo gobolka ah ay la kulmeen duqeymo isdaba joog ah oo dhanka cirka ah oo uga imaanayay ciidamada cirka ee Turkiga.

Laakiin kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka (IS) ayaa sidoo kale ku sugan dalka Turkiga, waxaana halkaas ka dhalaneysa su’aal ku warshadaha hawada sare ee Turkiga, kuwaas oo soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo wax ka beddeshay dhammaan qaab dagaalkii u dhexeeyay Armenia iyo Asarbayjaan.

Marxaladihii ugu horeeyay ee duulaanka Ruushku ee Ukraine, ayaa waxaa si weyn u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar ee uu Turkiga dalka Ukraine, kuwaas oo ku garaacay taangiyada Ruushka ka hor inta aysan Ukraine bilaabin soo saarista diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn.

Haddaba su’aasha muhiimka ah ee hadda taagan, maadaama uu socdo baaritaanka weerarkan, ayaa ah yaa faa’iido ka raadinaya arrintan iyo sababteena?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*