18th October 2024  admin  Category :

Sida Turkiga iyo Pakistan ay uga falceliyeen siyaasiga kitaabka Qur’aanka ku gubay misaajid hortii

Turkiga iyo Pakistan ayaa si adag uga falceliyay ficilkii uu jimcihii ku dhaqaaqay siyaasi la yirahdo Rasmus Paludan kaas oo kitaabka qur’aanka ku gubay bannaanka misaajid ku yaalla magaalada Copenhagen iyo afaafka hore ee safaarada Turkiga uu ku leeyahay dalka Denmark.

Ka dib markii ay arrintan dhacday Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegtay in Safiirka Denmark looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga, halkaasoo mas’uuliyiinta Turkiga ay “si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha la siiyey Rasmus Paludan ee uu ku sameeynayo falkan daandaansiga ah oo si cad u muujinaya nacayb”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa markii dambe soo saartay bayaan ay ku sheegtay Paludan inuu yahay “shakhsi  neceb Islaamka” waxayna ka xuntahay in loo ogolaaday inuu banaanbaxa sameeyo noocaas ah sameeyo.

Ka dib falkii Paludan ee Sweden ee usbuucii hore, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu uga digay Stockholm inaysan rajeynin taageerada dalabkeeda NATO. Turkiga ayaa sidoo kale muddo aan la cayimin dib u dhigay shir muhiim ah oo ka dhici lahaa Brussels kaasoo looga hadli lahaa xubinnimada Sweden iyo Finland.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan ayaa soo saartay bayaan ay si adag u cambaaraynayso arrintan, waxaana lagu yidhi “Pakistan waxay si adag u cambaaraynaysaa falkii ceebta iyo gardarrada ahaa ee lagu gubay qur’aanka ee Denmark. Sababo la xiriira Islaam nacybka, iyadoo maalmo ka hor sidan oo kale fal sharaf dhac ah uu ka dhacay Sweden.

Sidee ayay Jimcihii wax u dhaceen?

Mid ka mid ah dadka ka soo horjeeda diinta Islaamka ayaa kitaabka Qur’aanka ku gubay meel u dhow masjid ku yaala magaalada Copenhagen iyo afaafka hore ee safaarada Turkiga uu ku leeyahay dalka Denmark.

Rasmus Paludan oo ah nin u dhaq dhaqaaqa kooxaha dhanka midigta, heystana dhalashada Denmark iyo Sweden ayaa horey uga carooday dowladda Turkiga oo 21-kii Janaayo sidoo kitaabka qur’aanka ku gubay Sweden.

Bale ayuu markale dalka Denmark ku kitaabka isagoo weliba ku sugan meel fagaaro ah oo misaajidka u dhow iyo sidoo kale safaaradda Turkiga ee Copenhagen, waxaana uu ballan qaaday inuu sii wadi doono Jimcaha kasta ilaa Sweden looga oggolaado inay NATO biirto.

Sweden iyo Finland ayaa doonaya inay ku biiraan xulafada milatariga Nato ka dib dagaalka Ruushka u uku qaaday Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, ku biiristoodu waxay u baahan doontaa ogolaansho dhammaan xubnaha NATO, Turkiguna wuxuu muujiyay inuu xannibi doono dalabka Sweden – sababo la xiriira falalka Paludan.

Xitaa ka hor, Ankara waxay ku cadaadinaysay labada waddan inay ka hortagaan kooxaha hubaysan ee Kurdiyiinta, ee ay u aragto “argagixiso”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*